Xildhibaanada BF oo qarka u saaran inay miisaaniyadda u diidaan laba arrin dartood

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamanka Soomaaliya ayaa qarka u saaran inay diidaan, islamarkaana dib usoo celiyaan miisaaniyadda xukuumadda ee lixda bil ee soo socota, oo maalmahan ay ka doodayeen kadib markii uu u gudbiyey wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Duceyle Beyle.

Arrintan ayaa ugu wacan laba arrin oo xildhibaano badan ay ku gacan seereen, oo qodob ka mid ah uu yahay mushaarka ciidamada loogu talo-galay oo ah kaliya boqol dollar bishii, taasi oo ay ku qeexeen xildhibaanada lacag aad u yar, oo aan ku filneyn askariga.

Xildhibaan Xiddig oo ka mid ah xildhibaanada ku doodaya in la kordhiyo mushaarka ciidamada ayaa yiri ““Mudnaanta koowaad waa amniga, haddana inagaa indhaha ka tuureyna, Ciidamada amniga ilaalinayay ayaan xaqireynaa, waa kuma qofka mushaar boqol Dollar, isaga iyo qoyskiisa ku noolaan karaan, shaqaalihii radyidka ahaana midka ugu yar wuxuu qaataa $400 ilaa $1000” ayuu yiri Xildhibaan Xiddig.

Sidoo kale, Inta badan xildhibaanada ayaa diidan qaabka loo qeybiyey dhaqaalaha dowladda ay ugu talo-gashay maamul goboleedyada dalka, oo ay ka horyimaadeen xildhibaanada kasoo jeeda maamulada Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug, oo ku dooday in loogu eexday maamulada Puntland iyo Jubaland.

Maamulada dalka, ayaa dhaqaalaha loogu qeybiyey sidan:-

  • Puntland $ 4,675,000
  • Jubbaland $ 2,695,000
  • Galmudug $ 1,425,000
  • Koofur Galbeed 1,425,000
  • Hirshabeelle 750,000
  • G/Banaadir $ 7,000,000

Xildhibaanada ayaa ku doodaya in labadan arrin ay ka cabanayaan wax laga beddelo, hadii kale aysan ansixin doonin miisaaniyadda dowladda

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com