Xildhibaanada cusub oo diiday inay degaan Villa Somalia iyo Xasan oo qaaday tallaabo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xildhibaanada cusub ee Soomaaliya waxay ka diideen in la dejiyo Villa Soomaaliya oo guryo looga dhex diyaariyey.

Asaga oo taas ka duulaya ayaa madaxweynaha guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Madaale u xilsaaray in gabi ahaanba dhagxaanta iyo biraha ku xeran Hoteelada ay degan yihiin xildhibaanada la qaado, si marka ay amnigooda u baqaan ay ugu qasbanaadaan in ay dalbadaan in madaxtooyada la dejiyo.

Arrintan ayaa u sahlaysa madaxweynaha iyo xisbigiisa inay gacanta ku hayaan amniga xildhibaanada kadibna ay codadkooda siiyaan madaxweynaha.

Yuusuf Madaale ayaa shalay hoteelada ugu hanjabay in aan la aqbalayn dhagxaan iyo biro xilli gurigiisa uu ku aaminay dhagxaan, taasi oo ah qorshe ay ku doonayaan in ay qalqal ku galiyaan amniga xildhibaanada.

Goor sii horeysey ayay ahayd markii guddoomiyaha xalinta khilaafaadka uu sheegay in xaaladdooda amni ay qatar kujirto, oo loogu hanjabayo kiisaska ay hayaan ee xildhibaanada la isku hayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com