Xildhibaanada oo gaaray xarunta iyo codeynta oo si rasmi ah u bilaabatay (Yaa la saadaalinayaa?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si rasmi ah u bilowday Doorashada Guddoomiye ku-xigeenada Baarlamaanka Somalia, waxaana Xarunta Golaha Shacabka ku sugan dhammaan Xildhibaanada BFS ee codadka bixin lahaa.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa si siman u fadhiya kuraasta, waxaana sidoo kale Hoolka ku sugan Guddiga Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Musharaxiinta cod sugayaasha ah.

Doorashada ayaa waxaa laga bilaabi doonaa Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka dalka.

Xilka Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad, ayaa waxaa u tartamaaya Musharaxiinta kala ah, Jeylaani Nuur Iikar, C/weli Sheekh Ibraahim Muudey, Faarax Sheekh C/qaadir, Khaalid Macow C/qaadir, Saciid Xuseen Ciid iyo Khadiija Maxamed Diiriye.

Xildhibaan waliba ayaa taageero gaara u ah Musharax uu la doonaayo inuu kusoo baxo xilka.

Geesta kale, waxaa la saadaalinayaa in Doorashada uu kusoo bixi doono Seddex musharax midkood Faarax Sheekh C/qaadir, Jeylaani Nuur Iikar iyo Khadiija Maxamed Diiriye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com