Xildhibaano ka qeyliyay arrin Turkiga iyo USA ay ka wadan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka Somalia ayaa qeylo dhaan ka keenay wax ay ugu yeereen dhul boob Mareykanka, Turkiga iyo Yemen ay ka wadaan meelo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd, ayaa sheegay in Mareykanka iyo Turkiga ay guryo si sharci darro ah uga dhisteen xeebaha magaalada.

Waxa uu sheegay in safaarado ama goobo Diblomaasiyadeed ay saddexdaas dowladood ka dhisteen xurumo dowladeed gaar ahaan dhismooyinkii ciidamada ilaalada Badda Somalia.

“Waa halkii laga difaacayay badda Somalia iyo magaalada Muqdisho, waana sharci darro in dalal shisheeye ay dhistaan, aniga ma garanaayo cidda siisay ama u ogolaatay in dalalkaasi ay dhismooyinka dhistaan Xarumihii Ciidamada dalka uu lahaa” ayuu yiri Xildhibaan Xeyd, oo la hadlay Idaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa intaas raaciyay in mudanayaasha Baarlamanka aysan ka war hayn arrinkaas, islamarkaasna loo baahan yahay in laga hortago dhismooyinkaas oo uu sheegay in laga dhisayo dekaddii hore ee Muqdisho.