Xiliga Xasan Kheyre uu hortagi doono baarlamanka oo la shaaciyay

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre uu hortagi doono labada Gole ee BFS.

Kheyre ayaa lagu wadaa inuu maalinta berri oo taariikhda tahay 1-da March hor tagi doono Baarlamaanka, si codka kalsoonida loogu qaado.

Kheyre ayaa kalfadhiga koowaad ee Baarlamaanka Federaalka oo maalinta berri furmaya codka kalsoonida loogu qaadi doono Ra’iisul Wasaaraha cusub, oo laga sugaayo inuu soo dhiso Xukuumada cusub.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shalay shaaciyay in maalinta Arbacada ee berri uu furmi doono kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka, walow uusan sheegin ajandayaasha kulanka.

Sidoo kale, Kalfadhiga beri ayaa lagu wadaa inuu furi doono Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo Xildhibaanada BFS lagu wargaliyay inay soo xaadiraan kulanka.

Kheyre ayaa magaalada Muqdisho ka wada kulamo kala duwan oo uu la qaadanaayo Xildhibaanada labada Aqal iyo Odayaasha Beelaha oo uu kala hadlaayo aqbalida go’aanka lagu magacaabay.

Lama oga waxa uu Ra’isul wasaaraha kala kulmi doono Xildhibaanada labada Aqal, inkastoo ay jiraan warar sheegaaya inay u badan tahay in Ra’isul wasaaraha uu helo codka kalsoonida.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com