Xilka Madaxweynimo ee Hirshabelle oo la go’aamiyey inay isku soo sharaxi karaan Siyaasiyiin hal beel kaliya kasoo jeedo

Jowhar (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo saartay go’aankeeda ku aadan xil ka qaadistii lagu sameeyey madaweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble kaasoo ku gacan seyray go’aanka Baarlamaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay taagertay go’aankii Baarlamaanka isla markaasna ay lagama maarmaan tahay in la diyaariyo doorasho kale oo ka dhacdo Hirshabelle.

Midda ugu yaabka badan ayaa noqotay markii Madaxda Baarlamaanka iyo dowladda Soomaaliya ay isku afgarteen inaysan xilkaas isku soo sharaxi kari cid aan aheyn Beesha Xawaadle oo markii horeba uu Cosoble kasoo jeeday.

Isla arrintan waxaa hore si cad ugu dhawaaqay sii-hayaha madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Xuseen (Guudlaawe), waana arrin ku cusub qoraalada dowladda federaalka, iyadoo xaaladan ay ahayd awood qeybsi beeleed oo heshiis gudaha ah ayay iminka isu bedeshay mid lagu qoro dokumentiyada dowladda Federaalka.

Wararka ayaa sheegaya in tallaabadan looga hortegayo isbedel ku yimaada hoggaanka maamulka Hirshabelle oo keena in dib loogu noqdo muranka awood qeybsiga maamulka oo ahaa khilaaf weyn oo laga soo gudbay.

Ugaaska Beesha Xawaadle ayaa dhawaan shir isugu yeeray siyaasiyiinta kasoo jeedo Beeshiisa si looga tashto waxyaabaha kusoo kordhay Hishabelle, waxaana soo baxayo warar sheegayo inay beesha Xawaadle qorsheneyso inay sameyso maamul la magac baxay Hiran State, maadaama uu Cosoble uu ansixiyey Gobol cusub oo loogu magac daray Shabeelada Sare.