Xiriirka Kubadda Cagta iyo maamulka Gobolka Banaadir oo meel xun kala maraya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heleyso Caasimadda Online, waxaa aad u xumaaday xiriirka ka dhaxeeyo maamulka Gobolka Banaadir qeybta Sports-ka iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ee uu hoggaamiyo Cabdiqani Saciid Carab.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa qabto inta badan tartan kubadda Cagta ah oo ay ka qeyb galaan dhammaan degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana halkaas laga heli jiray xidigo muhiim ah oo kamid ah noqdo kooxaha heerarka kala duwan ee Soomaaliya iyo xulka Qaranka.

Balse Sanadkaan waxaa muuqato inuu jiro khilaaf weyn oo ka dhaxeeyo xiriirka iyo Gobolka Banaadir, waxaana laga yaabaa inuu khilaafkaan gaaro meel aad u xun oo sababi karto inuu istaago Horyaalka Soomaaliya.

Xiriirka Kubadda Cagta ayaa bilaabay inuu dib u dhigo waqtiga la doonayey inuu dhammaado tartanka Horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya isla markaasna loo diyaar garoobo tartanka degmooyinka Gobolka Banaadir, wuxuuna xiriirka diiday in laba garoon lagu cayaro horyaalka si waqti dhow loo dhameeyo.

Markii hore horyaalka waxaa lagu cayaari jiray garoomada Jaamacadaha iyo Koonis, balse hadda waxaa la amray in kaliya lagu cayaaro Koonis si uu horyaalka u qaato waqti badan isla markaasna meesha looga saaro tartanka Degmooyinka.

Maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan qeybta Sports-ka ayaa laga yaabaa inay iyagana soo saaraan go’aano ku aadan dagaalka cusub ee uu bilaabay xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed.

Waxay aheyd sida dadka dhan ka war qabaan in  dhaqso la dhameystiro horyaalka Soomaaliya, isla markaasna la qabto koobka Generaal Daa’uud, laguna xijiyo midka Degmooyinka Gobolka Banaadir sidoo kalana la qabto tartanka Maamul Goboleedyada oo ka dhici doono Kismaayo.

Hadda waxaa muuqato inuu jahwareer ka jiro jadwalka tartamadaas, si rasmi ahna looma ogo waxa kalifay inuu xumaado xiriirka labada dhinac.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla soo socodsiin doonaa Inshaa Allah.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII