Xisbiga haya talada dalka Zimbabwe oo soo jeediyay baaq aan u cuntamin Robert Mugabe

Nairobi (Caasimada Online) – Xisbiga talada dalka Zimbabwe haya ee ZANU-PF ayaa sare u qaaday cadaadiska uu ku hayo Madaxweyne Robert Mugabe, ninka awoodda dalkaasi haystay ku dhowaad 40 sano.

Hoogamiyayaasha xisbiga ayaa Mugabe ka dalbanaya in uu xilka iska casilo kadib markii maalintii arbacada ay ciidamada Militariga la waregeen awodda dalkaasi.

Madaxwayne Robert Mugabe ayaa la sheegay in uu doonayo in uu sii ahaado hogaamiyaha ilaa xisbiga uu ka yeelanayo kulanka qaran bisha soo socota.

Saraakiisha xisbiga ZANU-PF iyo militariga ayaa labadaba waxa ay taageereen dibad bax maanta la qorshaynayo in uu ka dhaco magaalada Harare.

Dibad baxani la qorshaynayo ayaa waxa soo abaabulay dad rug cadaa ah oo ka soo qaybqaatay dagaalkii Zimbabwe.

Madaxda militariga Zimbabwe ayaa waxa ay sheegeen in ay wadahadal kula jiraan mr Mugabe islamarkana ay shaacin doonaan natiijada ka soo baxda.

Hogaamiyayaasha ururka ay ku bahoobeen galbeedka Afrika ayaa wada dadaalo lagu doonayo in lagu soo afjaro

Madaxwayne Robert Mugabe ayaa shalay markii ugu horreysay tan arbacadii ka soo muuqda goob fagaara ah isaga oo ka qaybgalay xaflad qalinjabin ahayd.

Madaxwayne Mugabi ayaa la sheegay in uu diidan yahay in uu xilka ka dago.

Mugabi ayaa xukumayay Zimbabwe tan iyo sanaddii 1980.

BBC