Xisbiga SSUP: War saxaafadeed Talaado 06 December 2016, Nairobi – Kenya

Xisbiga midnimada Bulshada Soomaliyeed oo loo soo gaabiyo SSUP ayaa shir looga hadlaayey Dowrka Xisbiyadu ay ku leeyihiin Demoqraadiyadda ku qabtay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya 5-6 December 2016.

 

Wufuud heer caalami ah.
Wufuud heer caalami ah.

Waxaa iyaguna shirka ka qeyb galay khudbadana ka jeediyey Qaar ka mid ah Musharaxiinta u tartamaysa Xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Mudane Mohamed C/risaaq iyo Mudane Yaasiin Maahi oo hadana ah Gudoomiyaha Xisbiga SSUP ee shirkaan soo qaban qaabiyey.Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno muhiim ah oo ka tirsan Xisbiga midnimada Bulshada Soomaaliyeed kana socday Dowlad Goboleedyada Soomaaliya, Xubno ka Tirsan Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya, Madax ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha ee Dalka Sweden, Xubno ka tirsan Baarlamaanka dalka Sweden, Madaxda ugu sareysa hayadda Olof Palme international centre oo Xarunteedu tahay dalka Sweden, Madaxda Xisbiga Shaqaalaha ee Dalka Kenya, Xubno ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya.

Shirku intuu socday waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay khudbadana ka jeediyey Madax ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya iyo Safaaradda Sweden ku leedahay Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale Shirku intuu socday khadka kaga qeyb galay Xubno Soomaali Swedish ah kana tirsan Xisbiga Shaqaalaha ee Dalka Sweden oo markaas ku sugnaa gudaha sweden.

Wax yaabaha  intuu shirku socday laga hadlay iyo aragtida guud ee Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed waxaa ka mid ah Qodobada soo socda.

1: Dowrka Xisbiyadu ku leeyihiin Demoqraadiyada.

Shirka oo laba bari socday ayaa aad looga hadlay  Dowrka Xisbiyadu ku leeyihiin demoqraadiyada iyo horumarka lagu gaari karo barnaamijka xisbiyada badan.

Ururada Shaqaalaha ee sweden iyo kenya ayaa aad ugu dheeraaday halgankoodii iyo marxaladihii ay soo mareen waxayna soo bandhigeen waxyaabaha uu iyaga ka baran karo Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed.

Xisbiga midnimada Bulshada Soomaaliyeed ayaa loo rajeeyey inuu hormuud ka noqdo barnaamijka Xisbiyada badan ee Dalka Soomaaliya.

2.Arimaha Doorashada Soomaaliya.

Arimaha Doorashooyina dadban ee hada Soomaaliya ka socda iyo waliba Doorashooyinka soo socda ayaa ka mid ahaa qodobada muhiimka ah oo aadka loogu dheeraaday maadaama ay shirka ku sugnaayeen madax ka tirsan Aduunka oo doonaayey inay wax ka ogaadaan Xaaladda Doorashada ee hadda Soomaaliya ka socota iyo waliba maadaama ay Musharaxiin u tartamaaya Madaxtinimada Soomaaliye ay Shirka kasoo qeyb galeen.

waxaa sidoo kale laga hadlay muhiimadda ay leedahay Doorashada hadda ka socota Soomaaliya waxaana Xisbiga Midnimada Umadda Soomaaliyeed Soomaaliya u rajeeyey Wanaag iyo Horumar.

Xisbiga Midnimada Umadda Soomaaliyeed wuxuu ku boorinayaa Guddiga Doorashada inay ilaaliyaan wakhtiga dadaalkooda ugu badanna galiyaan inaan mar danbe dhib u dhac ku imaan Doorashada Gudoonka iyo Madaxweynaha.

Xisbiga Midnimada Umadda Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqayaa Shacabka Soomaaliyeed inay u diyaar garoobaan garabna siiyaan barnaamijka Xisbiyada badan oo ah sida looga gudbi karo qalalaasaha siyaasadeed ee joogtada u noqday soomaaliya markasta oo doorasho soo dhawaato.

Sidoo kale Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed wuxuu Shacabweynaha ku boorinayaa inay ogaadaan gartaanna awoodda ay leeyihiin oo meel marin karaan waxa ay doonayaan isla markaana ay ku diidi karaan waxa aysan rabin.

3: Abaaraha ka jira Soomaaliya.

Abaaraha Culus ee ka jira Soomaaliya ayaa ka mid ahaa qodobadii looga hadlay Shirka,Waxaana lagu booriyey martidii Caalamiga ahayd inay ka qeyb qaataan Gurmadka ka socda Sooomaaliya ee loogu gurmanayo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed wuxuu ku boorinayaa umadda Soomaaliyeed inay ilaahay baryaan, toobadna la yimaadaan,wuxuu kale oo ku boorinayaa inay Shacabka Soomaaliyeed isu gurmadaan gacanna isa siiyaan.

4:Xoojinta Amniga .

Arimaha Amniga Soomaaliya oo ka mid ahaa Qodobadii lasoo qaaday ayaa la garowsaday in xaaladda amaan ee dalku ay wanaagsan tahay isla markaana la dareemayo inay kasoo raynayso marba marka ka danbeysa.

Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqayaa Dhammaan umadda Soomaaliyeed inay adkeeyaan nabadgelyada Dalka.

Wabillaahi Altowfiiq

 

Gudoomiyaaha xisbiga SSUP
Gudoomiyaaha xisbiga SSUP

Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Bulshada SoomaaliyeedQoraalkaan Waxaa waxaa Soo saaray isla markaana Saxiixay

Yaasiin Maaxi Macalin

Mudane Yaasiin Maaxi Macalin