Xog: 3 arrin oo Imaaraadka ay diideen oo sababay codsigii Farmaajo ee Sacuudiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaan dalabka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo uu hordhigay Boqorka dalka Sacuudiga, markii uu dalkaas booqday dabayaaqada toddobaadkii tagay.

Madaxweynaha Somalia Farmaajo ayaa maalmo un ka hor Boqorka dalka Sacuudiga ka dalbaday in heshiis uu dhex dhigo Dowlada Somalia iyo Imaaraadka dalabkaasi oo imaaday kadib markii Imaaraadka ay ku gacanseertay dalab kasoo baxay Madaxweynaha oo la xiriiray inay hakiyaan dhismaha Saldhiga magaalada Berbera.

Madaxweyne Farmaajo oo xiriir toos ah la sameeyay Dowlada Imaaraadka ayaa ku hingoobay in Imaaraadka uu ka dhaadhiciyo hakinta Heshiiska iyo Dhismaha Saldhiga, kadib markii ay ku sheegtay inuu yahay Madaxweyne aan maamulin Somaliland.

Dalabka Madaxweynaha ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa yimid kadib markii ay ka biya diideen saddex qodob ee kala ah:

1- Heshiiska lagu dhisaayo Saldhiga ay Imaaraadka dib usoo bilowdo islamarkaana Heshiiska ay la furto Dowlada Somalia.

2 – In dalabka Saldhiga la hordhigo Baarlamaanka Somalia si uu qaraar uga gaaro maadaama Somaliland aysan awood u laheyn inay bixiso dhul baaxad weyn oo aysan waxba kala socon dowladda Somalia.

3 – In heshiiska laga dhigo mid u dhexeeya labada Dowladood isla markaana meesha laga saaro macaamilka u dhexeeya Somaliland iyo Imaaraadka.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo ku hingoobay la hadalka Imaaraadka ayaa ugu danbeyntii ku dhiiraday inuu maciin bido Dowlada Sacuudiga oo qudheeda la aaminsan yahay inay qeyb ka tahay fekerka lagu dhisaayo Saldhiga.

Dhinaca kale, Boqortooyada Sacuudiga ayaa laga sugayaa Jawaab ku aadan dalabka Madaxweynaha Somalia ee la xiriira Heshiisiinta labada dalka, si loo yareeyo Faragalinta qaawan ay Imaaraadka ku heyso arrimaha Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com