Xog: Afar arrin midkood oo laga filan karo kulanka Farmaajo iyo madaxda Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu u socdaalo magaalada Abu Dabai ee xarunta dalka Imaaraadka carabta, kadib markii uu casuumaad ka helay madaxda dalkaasi.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee dalkaasi ayaa ah mid la xiriira xal u helida isbarbar yaaca Siyaasada Somalia iyo in dowlada Imaaraadka Carabta ay faraha kala baxdo amuuraha Somalia.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ayaa la hadal hayaa inuu ka duwan yahay kuwii hore, waxa ayna casuumaadu tahay mid lala soo maagay, si xal looga gaaro siyaasadaha ay Imaaraadka isaga horkeeneyso Soomaalida, gaar ahaan Madaxda Qaranka iyo Hogaamiyayaasha maamulada.

Casuumaada Madaxweynuhu uu ka helay Imaaraadka ayaa ah ilaa Seddex cisho, oo lagu raadin doono xalka Somalia, waxaana xusid mudan in dowlada Somalia ay maalmahaani ku howlaneed qorsho ay go’aan uga gaari laheyd Siyaasada kala dhexeysa Imaaraadka carabta oo xadka dhaafay.

Waxyaabaha laga filankaro is araga Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Imaaraadka ayaa ah:-

1-In Somalia ay ka xurowdo Imaaraadka Carabta oo dhaqaale ku bixineysa qaska iyo amni darida ka jirta dalka.

2-In Dowlada Somalia ay u nuglaato amarada kaga imaanaya dowlada Imaaraadka, si ay xal ugu hesho amni darada ka jirta dalka iyo xiisada joogtada ah ee kala dhexeeya maamul Goboleedyada.

3-In leysku afgarto xaduud siyaasadeed muujineysa in labada dowladood aysan isaga gudbikarin si loo dhowro madaxbanaanida Somalia.

4-In Dowlada Imaaraadka carabta ay arrimaha Somalia uga danbeyso Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha Somalia, iyadoo wixii intaa ka hara aysan tallo ku yeelankarin siyaasada Somalia.

Ujeedka ugu weyn ee socdaalka Madaxweyne Farmaajo ayaa ah inuu soo afjaro xiriir danbe oo dhexmara dowlada Imaaraadka carabta iyo Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada ka jira Somalia.

Dowlada Imaaraadka carabta ayaa dhaqaale xoogan ku iibsata Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada oo iyagu qas la dabataagan dowlada Somalia.

Ma cadda sida uu heshiiska u dhici doono, balse waxaa jira saan-saan muujineysa inuu isfahan ka dhexeeyo Madaxda Qaranka iyo kuwa Imaaraadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com