Xog: Axmed Madobe oo golaha wasiiradiisa kordhinaya kadib…

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa waddo qorshe uu kusoo magacaabayo xubno ka harsan golaha wasiirada maamulkiisa, isaga oo sameeyay latashiyadii ugu dambeeyay, kuwaasi oo kamid noqonaya wasiiradii uu dhawaan soo magacaabay.

Xogaha aan helnay ayaa sheegaya in madaxweynaha Jubbaland uu waddo qorshe uu ku qancinayo beelo daga gobolada jubbooyinka iyo Gedo, isagoo doonaya liiska wasiirada uu soo dhisay oo gaaraya 17 inuu gaarsiiyo 20 wasiir iyo ku xigeenadooda.

Wasiirada aadka loo hadalhayo ee madaxweyne Axmed Madoobe uu soo magacaabayo ayaa waxaa lagu sheegayaa wasiirka madaxtooyada Jubbaland, wasiirka haweenka iyo wasiiro kale.

Shaqsiga si weyn loo hadal hayo in laga dhigayo wasiirka madaxtooyada Jubbaand ayaa waxaa lagu sheegay  Axmed Cabdiraxmaan Xassan (Axmed Sitiin), Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland ayaa la isla dhexmarayaa Sahra Dable iyo  Xaliimo Xassan

Ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijisay warkaan hasayeeshee Odayaasha, siyaasiinta iyo dadweynaha reer Kismaayo ayaa aad u hadal haya arrinta magacaabista sadexda wasiir.

Sababta keentay in Madaxweynuhu uu magacaabo wasiiro cusub  ayaa lagu sheegay  cabashooyin badan oo ay soo gudbiyee qaar kamid ah beelaha aanan waxbo helin.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com