Xog: Baabuur xalay usoo degtay CC balse go’aan yaab leh uu ka qaatay

Mombasa (Caasimada Online) – Baabuur nooca aysan xabbada karin ah ayaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke xalay uga soo degay dekedda magaalada Mombasa ee dalka Kenya, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in baabuurtan ay ka yimaadeen dalka Imaaraadka Carabta, inkasta oo aysan noo suurto-gelin inaan ogaano tiradooda rasmiga ah.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Cumar Cabdirashiid uu go’aan ku gaaray in baabuurtan la geeyo magaalada Nairobi, illaa ay ka dhaceyo doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo laga cabsi qabo in mar kale ay dib u dhacdo.

Qorshaha ra’iisul wasaaraha xilka uu ka dhammaaday ayaa ah in baabuurtan la geeyo magaalada Muqdisho haddii uu xilka madaxweynaha ku guuleysto, haddii kalena la iibiyo.

Arrintan ayaa la sheegay in ra’iiul wasaaraha uu u sameynayo isaga oo ka cabsi qabo in baabuurta ay la wareegto dowladda federaalka haddii xilka madaxweynaha looga adkaado.

Cumar Cabdirashiid ayaa xiriir marba meel u socda la leh dowladda Imaaraadka Carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com