Xog: Beesha Saleebaan oo shirar xasaasi ah ka wadda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogta ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegeyso in Beesha Reer Xaaji Saleebaan ay bilowday shirar iyo wadatashi ay ku dooneyso inay uga tashato aayaheeda isla markaasna ay uga fiirsato la shaqeynta dowladda Soomaaliya.

Shirarkaan ayaa imaanayo kadib markii Yuusuf Indha Cadde uu bilaabay inuu Malaayiin qoys oo reerkaas ka tirsan ka barakiciyo xaafadaha Shiirkole iyo Ood Weyn oo ka tirsan Muqdisho isla markaasna ay dhul danta guud ah.

Labadaas meel ayaa ah meelaha ay aadka ugu badan yihiin qoysaska Reer Xaaji Saleebaan, waxayna ka dhawaajiyeen inaysan caqli gal aheyn in halmar Malaayiin qoys oo beeshaas ka tirsan lagu sameeyo barakicin wadareed.

Odayaal ka tirsan beeshaas iyo siyaasiyiin oo ka imaaday Magaalada Cadaado ayaa soo gaaray Muqdisho, waxaana la filayaa inay dhawaan war cad kasoo saaraan go’aankaan uu la imaaday Indha Cadde oo la sheegay inuu gadaal kasoo riixayo wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo kan Amniga Qaranka.

Beeshaan ayaa aaminsan in go’aankaan uu yahay mid lagu doonayo in lagu baabii’iyo shacabkeeda aan heysan meel kale oo ay u qaxaan, waxayna go’aankaan ku tilmaamtay mid kadis ah isla markaasna aysan marnaba ogolaan doonin in dad kasoo jeedo Saleebaan lagu sameeyo barakicin Wadareed keeni karo inay jidadka ku dayacmaan.

Odayaal ka tirsan Beeshaas oo la hadlay Caasimadda Online ayaa digniin u diray dowladda Soomaaliya, waxayna ugu baaqeyn inay go’aankaas ka fiirsato, haddii kale aysan dowladda la shaqeyn doonin, go’aankaana uu yahay mid ay beesha u dhan tahay.

Go’aankaan ayaa kusoo aadayo xilli Shaqsiyaad ka tirsan dowladda Farmaajo ay qorsheenayaan inay iibsadaan dhulka danta guud iyadoo la doonayo in Malaayiin qoys laga barakiciyo Xiro Ruush, Shiirkole, Ood weyne, dhulal badan oo ka tirsan Dayniil,e Asluubta iyo dhul ballaaran oo ku yaal jidka Warshadaha, waxayna u muuqataa arrintaan barakicin iyo dagaal lagu hayo shacabka Muqdisho ee lasoo dhibaatoonayey dagaal iyo qaraxyo.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII