Xog: Boorsaani oo ilihii dhaqaalaha gobolka beeshiisa u gacan geliyay (Magacyada iyo xilalka)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta maamulka Gobolka Banaadir ee ku taal degmada Xamar Weyne ayaa noqotay xarun nidaamkii hore ugu shaqeyn jirtay mid ka duwan, kadib markii Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale uu ka dhigay xarun beeshiisa maamusha isla markaana ilihii dhaqaale ee gobolka u gacan geliyay dad beel hoosaad isku yihiin.

Hab dhaqanka Guddoomiyaha gobolka Banaadir ee ku saleysan qaabka qabiligi ayaa caddeyn u ah laga soo bilaabo ilaaladiisa oo beesha Daa’uud uu ka wada dhigtay, qaarkoodna aysanba laheyn tababarkii ciidannimo iyo shuruudihii laga rabay askariga, halkii laga rabay in ilaaladiisa ay noqdaan kuwo qaran.

Yuusuf Boorsaani wuxuu ugu duwan yahay Guddomiyeyaashii hore inuu shaqsiyaad ku heyb ah u magacaabay xilal kala duwan. Waxaana ka mid ah, Agaasimaha dakhliyadaha kala duwan ee gobolka Xasan Gacameey, Axmed Xasan Yalaxoow agaasimaha dhismaha gobolka, agaasimaha naqshadaha dhulka Cali Dhegta, Agaasime kuxigeenka qasnajiga gobolka Cumar Khaliif Geeseey, taliyaha ilaalada gobolka C/salaan cumar Axmed iyo taliyaha canshuuraha ee gobolka ex-kontorool afgooye Tima jiliac iyo xubno hoosaad ka hoos shaqeeya waaxaha kala duwan ee gobolka.

Beelihii xaqa u lahaa inay ka dhex muuqdaan Gobolka Banaadir ayaa marti ka ah, waana caddaalad darada Soomaaliya dib u dhigtay, iyadoo aan laga gudbina hab dhaqankaan qabaliga aysan umadda gobolka banaadir iyo guud ahaan Soomaaliya horumar gaari doonin.

Hab dhaqankaaan ayaa aheyn mid ku cusub madaxda Soomaalida, inkastoo ay kala damiir wanaagsan yihiin, qaarkoodna boor isku qariya halka qaar kale ay muujiyaan heerka uu qabiilka iyo nin jecleysiga ka gaareen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com