Xog: Boorsaani oo si sharci darro ganacsato uga iibiyay dhulkii Suuqa Cali Boolaay

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa sii wada bixinta iyo ka beec-mushtarka dhulalka danta guud ee ku yaal magaalada Muqdisho, waxaana war nasoo gaaray uu sheegayaa in kooxo ganacsato ah oo uu hoggaaminaayo milkiilaha hotel Maka Al-Mukarama Gurey Xaaji lagu wareejiyay dhul ku yaal Suuqa Cali Boolaay ee degmada Waaberi.

Shalay ayaa soo daabacnay warbixin ka hadleysay dhulalka sida sharci darada Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale u wareejiyay doorashadii madaxweyne Farmaajo kadib (AKHRI), waxaana soo labeeya dhulka Suuqa Cali Boolaay oo documentiyo loo sameeyay iyo kuwii lagu wareejiyay loo gacan geliyay ganacsato uu hoggaaminayay Gurey Xaaji.

Suuqa Cali Boolaay ee ku yaal degmada Waaberi ayaa ah suuq caan ah oo horay u jiri jiray, waxaana

Dhul booka ka socda Muqdisho ee Duqa Muqdisho iyo ganacsato ka beec mushtara dhulalka ay wadaan ayaa maalmahaan sii xoogeysanaayo iyadoo xiligaan kala guurka ah ay ugu faa’iideysanayaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa laga sugayaa ballan qaadkiisii ahaa la dagaalanka masuq-maasuqa iyo boobka hantida shacabka iyo mida dowldada.

Laakiin Guddoomiye Boorsaani ayaa ku guda jira hanti abuurasho maadaama soo baxayaan warar sheegaya in xilka uu weyn doono, inta u harsans uu ka faa’iideysanayo, isagoo dareensan ama tuhmayo in ay soo bixi doonto dikreetada xil ka qaadistiisa marka la dhiso xukuumadda cusub.

Wuxuu horay guddoomiyuhu bixiyay xiligii ololaha doorashada dhulkii Terabuunka iyo Digfeer u dhaxeeyay, dhulkaasi oo ka koobnaa 128 boos oo lacagtii uu kaga iibiyay ganacsato ay ka mid yihiin Xasan Mire guddoomiyaha ganacsatada Suuqa Bakaaro iyo C/qaadir Cumar Caddaan ayaa waxaa lagu galay ololihii doorasho ee xildhibaanada Xasan Sheekh taageersanaa lagu soo saaray iyo doorashadii madaxweynaha.

Caasimada Online 
Xafiiska Garoowe 
Caasimada@live.com