Xog: Booskii wasiir Cabaas oo la isku heysto iyo sheeko yaab leh oo taagan

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida laga war qabo waxaa weli banaan booskii uu baneeyey wasiirkii howlaha guud ee dowladda Soomaaliya Cabaas Cabdullaahi Siraaji, kaasoo ay toogteen ciidamo ilaalo u ahaa hanta dhowrihii qaranka ee xilkiisa looga qaaday sababtaas.

Cabaas Siraaji ayaa ahaa shaqsi aqoon fiican leh, wuxuuna nasiib u yeeshay inuu noqdo wasiirkii ugu yaraa xukuumadda Xasan Cali Kheyre, balse waqtigiisa ayaa soo dhamaaday.

Haddaba waxaa jiro loolan aad u weyn oo ka taagan xilkii uu ka geeriyooday, waxaana jiro shaqsiyaad badan oo kasoo jeedo beeshiisa kuwaas oo doonayo inay helaan booskaas.

Shaqsiga aadka ugu dhow ilaa hadda waa wiil la dhashay Cabaas oo lagu magacaabo Cabdicasiis Cabdullaahi Sheekh Siraaje kaasoo ka shaqeeyo xawaaladda Kaah qeybteeda Nairobi.

Qoyska Wasiir Cabaas iyo eheladiisa ayaa wado ololo ay booskaas ugu raadinayaan wiilka la dhashay ee lagu magacaabo Cabdicasiis cabdukahi sheekh siraaje, sidoo kalana waxay arrintaas garab uga helayaan dowladda Soomaliya, gaar ahaan Ra’isulwasaare Kheyre oo ay Cabaas aad isugu fiicnaayeen.

Xogta hoose oo ay heleyso Caasimadda Online ayaa xaqiijineyso inuu Cabdicasiis Siraaji aad ugu dhow yahay xilkaas, waxaana la filayaa in dhawaan la magacaabo shaqsiga sida rasmiga ah xilkaas u qaban doono.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla soo socodsiin doona