Xog + Caddeyn: A/Madoobe oo jooga Imaaraadka, hotelka uu dagan yahay iyo lacagta uu soo qaadan rabo

Dubai (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa gaaray Wadanka Imaaraadka Carabta, waxayna Shabakadda Caasimadda Online heshay xog ku saabsan safarkiisa, Qorshaha ka dambeeyo, Hotelka uu dagan yahay, lacagta uu soo qaadan doono, Meesha lagu shubi doono iyo cidda leh akoonkaa lacagta ku dhaceyso, Safar uu Isniinta u tagi doono Itoobiya iyo waxa laga bartay Safarka Axmed Madoobe ee Imaaraadka Carabta.

Safarkiisa iyo Qorshaha ka dambeeyo:

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Axmed Madoobe u wakiilatay inuu qabto shirkii Kismaayo ka dhacay ee la isaga horkeenayey dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada Soomaaliya, waxayna howshaas lagu siiyey Mashruuc lacageed oo aad u badan.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Axmed Madoobe u ballan qaaday inay siin doonto lacago aad u badan haddii uu ku guuleysto inuu isku keeno Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya isla markaasna uu ka dhaadhacsiiyo inay meel uga soo wada jeestaan dowladda dhexe ee uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Axmed Madoobe oo ay u muuqato lacagta aadka u badan ee Imaaraadka la wareegeyso, ayaa isugu yeeray Madaxda Maamul Goboleedyada, wuxuuna ka dhaadhacsiiyey inay ka hor imaadaan dowladda dhexe isla markaasna loo midoobo sidii dowladda Farmaajo looga hor istaagi lahaa inay sameyso wax dhaqaaq ah, maadaama ay ka hor timaaday rabitaanka Imaaraadka Carabta oo ahaa in xiriirka loo jaro dalka Qatar oo ah wadan Islaam ah oo aan wax dambi ah ka gelin Wadanka Soomaaliya.

Haddaba, Safarka Axmed Madoobe ayaa la xiriiro inuu soo qaato lacagtii lagu ballan ee aheyd in la siin doono Maamulka Jubblanad kadib markii uu Maamulkaas ku guuleysto inuu ka hor imaado go’aanka dowladda dhexe sidoo kalana uu isku keenay maamul Goboleedyada Kale.

Hotelkee ayuu dagan yahay?

Sida Caasimadda loo xaqiijiyey, Axmed Madoobe ayaa hadda dagan Hotel Holiday oo ku yaalo Imaaraadka Carabta, wuxuuna halkaas kulamo kula qaadanayaa Mas’uuliyiin sare sare oo ka tirsan Dowladda Imaaraadka Carabta, si loo siiyo lacagtii qaraabka aheyd ee uu kaga hor imaaday dowladda Dhexe.

Immise lacag ah ayuu Axmed Madoobe soo qaadan rabaa:

Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen shaqsiyaad aad ugu dhow Madaxweyne Axmed Madoobe, waxaa la filayaa in lasoo siiyo lacag gaareyso ilaa 8 Malyan oo Dollar, taasoo isugu jirto lacagtii la siinayey Maamul Goboleedyada ka hor imaado go’aanka dowladda dhexe iyo shaqadii uu Axmed Madoobe si gaar ah u qabtay ee aheyd Shirkii Kismaayo.

Halkee kusoo dhici doontaa lacagtaas:

Sida aan Xogta ku helnay, lacagtaas 8-da Malyan ah ayaa lagu wadaa inay kusoo dhacdo Akoon dalka Jabuuti ku yaal oo uu leeyahay ninka aad ugu dhow Axmed Madoobe ee isagu maamulo Jubbalanad Cabdi Cali Raage oo Kismaayo looga yaqaan (Xaaraan ku naax).

Halkee ayuu Axmed Madoobe sii aadi doonaa?

Waxaa la filayaa inuu Axmed Madoobe maalinta Isniinta ah kasoo tago dalka Imaaraadka Carabta isagoo soo mari doono dalka Itoobiya, waxaana idiin soo gudbin doonaa Maalinta Isniinta ah warbixin ku saabsan safarkiisa Itoobiya, Ujeedka ka dambeeyo iyo Sawir muujinayo inuu Adis Adaba joogo hadduu Alle idmo.

Maxaa laga fahmay Safarka Axmed Madoobe ee Imaaraadka Carabta?

Safarka Axmed Madoobe ee Imaaraadka Carabta ayaa laga fahmay inuusan Axmed Madoobe aheyn wadani Soomaaliyeed, balse uu yahay nin afka ka sheegto inuu yahay Wadani.

Axmed Madoobe, wuxuu mar kasta kusoo celceliyaa, Soomaalida ha wada hadasho, aan iska dhaafno wadamada Shisheeye ee aan kusii socono, bal Axmed Madoobe haka jawaabo Imaaraadka Carabta Soomaaliya miyey ka tirsan tahay, muxuu ka doonay, lacagta uu soo qaadanayo maxay tahay, Dalka maa lagu dhisayaa?

Waxaa meeshaas ka cadaatay inuu Axmed Madoobe yahay Hoggaamiye aysan is waafaqsaneyn hadalka uu sheegayo iyo ficilada uu sameenayo, taasna waa mid kamid ah calaamadaha lagu yaqaano Munaafaqiinta sida uu Sheegay Rasuulkeena Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee.

Caddeyn muujineyso  inuu Axmed Madoobe ku sugan yahay

Shabakadda Caasimadda Online ayaa heshay Sawir muujinayo inuu Axmed Madoobe ku sugan yahay dalka Imaaraadka Carabta, isla markaasna uu kulamo kula leeyahay  madaxda dalkaas Hotelka lagu magacaabo Holiday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com