Xog: CC oo u hanjabay dhowrka qaran (Xiisad meel xun mareysa)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke uu warqad digniin adag u qoray Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in Sharmaarke uu warqadiisa ku qoray in xil ka qaadis lagu sameyn doono Hanti dhowrka, waa haddii uu ka gaabsan waayo go’aanada kasoo baxa dowlada ee uu sharci darada ku tilmaamo.

Warqada digniinta ayuu Ra’isul wasaare Cumar ku cadeeyay in dowlada Somalia ay ku jirto xili kala guur ah, isla markaana ay la socdaan inay jiraan qaladaadyo dhowr ah oo ka dhaca dowlada balse aysan mudneyn in warbaahinta la mariyo qaladaadka yar yar ee ka dhaca dowlada.

Sharmaarke waxa uu Hanti dhowraha Guud ee Qaranka uga digay in wixii qalad ah uu ku dhaliilo dowlada, waxa uuna ku amray in waxyaabaha u baahan in la saxo uu lasoo socodsiiyo xubnaha ay khuseeyan, haddii ay mar kale dhacdo inuu warbaahinta u adeegsado ay jawaab xil ka qaadis ah ka bixin doonaan, sida aan xogta ku helnay.

Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale, ayaa siyaabo kala duwan Warbaahinta uga dhaliila dowlada Somalia, isaga oo inta badan talaabooyinka dowlada ku sheega kuwo aan sharci aheyn isla markaana lagu baalmaraayo sharciga dalka ka jira.

Maalin un ka hor ayay aheyd goortii uu Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale wax kama jiraan ku sheegay nidaamka lagu qaadanaayo kaarka aqoonsiga ee Teesaraha Minishibiyada oo ay bilowday dowladda Hoose ee Xamar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com