Xog cusub: Imaaraadka oo Somaaliya ka haysta saxiixa heshiis qarsoodi ah oo halis badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Imaaraadka Carabta ayaa Soomaaliya ka haysta heshiis u saamaxaya waxyaabo badan oo danahooda Soomaaliya ku saabsan, sida ay ogaatay Caasimada Online, xilli Imaaraadka ay dagaal xooggan ku hayaan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa horey ugu saamaxay Imaaraadka inay la wareegaan dekedaha Berbera iyo Boosaaso, hase yeeshee cabsida ugu xooggan ayaa ah in ay jiraan waxyaabo kale oo Imaaraadka loo saxiixay oo dadka Soomaalida aysan ka war-hayn.

Diblomaasiyiin ku sugan Muqdisho iyo Nairobi oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in inkasta oo Imaaraadka ay heshiisyo la kala saxiixdeen Somaliland iyo Puntland, si ay ula wareegaan dekedaha Berbera iyo Boosaaso, iyo saldhigga Berbera, haddana uu jiro heshiis kale oo ay la galeen dowladdii hore ee Soomaaliya.

“Imaaraadka waxay u sheegeen beesha caalamka inay heshiis ka haystaan madaxda dowladdii hore ee Soomaaliya” Waxaa sidaas yiri diblomaasi la hadlay Caasimada Online oo codsaday inaan la magacaabin.

“Cabsida ugu weyn ayaa ah inay jiraan dekedo ama saldhigyo kale oo Imaaraadka loo saxiixay balse aan la ogeyn. Xaqiiqdii dalkan waa iib, waxaana jira waxyaabo badan oo shacabka aysan ogeyn. Waa arrin welwelkeeda leh” waxaa sidaas yiri Xuseen Cabdi Maxamed, oo ah aqoonyahan Muqdisho degan.

Lama yaqaan cidda Imaaraadka u saxiixday heshiiskan, inuu yahay Xasan Sheekh iyo Cumar Cabdirashiid, hase yeeshee diblomaasiyiinta ayaa rumeysan inuu yahay Cumar Cabdirashiid oo hadda ah wakiilka Imaaraadka u qaabilsan Soomaaliya, islamarkaana horey badda Soomaaliya uga iibiyey Kenya.

Dowladda Soomaaliya ee hadda jirta ayaa Imaaraadka ka codsatay inay soo gudbiso dhammaan wixii heshiis ah oo ay la gashay dowladdii hore, si loo horgeeyo baarlamanka, hase waa ay ku gacan seereen, waxayna diideen inay qiraan jiritaanka heshiisyo noocan oo kale. Sidoo kale, madaxdii hore ee Soomaaliya ayaa diiday inay arrintan ka hadlaan.

“Ujeeddada ugu weyn ee Imaaraadka ayaa ah, in haddii dowladda Soomaaliya ay isku daydo inay Imaaraadka ku dacweyso maxkamad caalami ah, si lama filaan ah ay ula soo baxaan heshiiskan, taasi oo ceeb iyo guul-darro ku noqon karta dowladda Soomaaliya” ayuu yiri diblomaasi la hadlay Caasimada Online.

Ka sokow heshiiskan, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa hadda dowladda Soomaaliya ku kicisay dowlad goboleedyada, ayada oo laga le yahay laba ujeedo.

Ujeeddada koowaad ayaa ah in dowladda lagu furo buuq siyaasadeed, si aysan awood ugu yeelan inay usoo jeesato meel ka gaarista heshiisyada Imaaraadka, iyo in laga dhigo dowlad awood kooban oo la mid ah maamul goboleedyada.

Hagar-daamada Imaaraadka ayaa soo shaac baxday markii dhowaan la helay warqad madaxweynaha Galmudug ee xilka laga qaaday Xaaf uu u diray Thomas B. Coleman oo ah agaasimaha shirkadda Levant Suez Consulting Corporation, ee fadhigeedu yahay magaalada Houston ee dalka Mareykanka. Shirkadda ayaa waxay ka shaqeysaa isku xirka dowladaha.

Arrinta yaabka leh ayaa ah in warqaddan uu Xaaf ku sheegayo in dowlad goboleedyada ay qorsheynayaan inay caddeeyaan mowqifka ay ku taageerayaan Imaaraadka, ayna u baahan yihiin lacag ay ku howl-galaan oo ah 15 milyan oo dollar bishii, taasi oo ay si isku mid ah uu maamulkiiba bil kasta u qaadanayo 3 milyan oo dollar, maadaama ay yihiin shan maamul goboleed.

Hoos ka aqriso warqadda

Dowladda Soomaaliya ee hadda jirta, ayaa wajaheysa dagaal siyaasadeed xooggan, oo kaga imanaya shan maamul goboleed iyo Imaaraadka Carabta oo malaayiin dollar ku bixinaya sidii loo burburin lahaa. Lama yaqaan sida ay isaga dhicin karto, inkasta oo haddii ay taageero ka hesho shacabka ay badbaadi karto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com