Xog cusub: Keydadkii ugu muhiimsanaa ee Bankiga Dhexe ee Somalia oo gubtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa xog dheeri ah ka heshay dabka xalay ka kacay Bankiga Dhexe, waxaana wararka ay sheegayaan in ay gubteen laba kamid ah keydadkii ugu muhiimsanaa ee Bankiga Dhexe.

Laba ka mid ah Xafiisyada Bankiga ayaa basbeelay waxayna qeyb ka yihiin keydadka muhiimka ah ee dowladda sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Xogta ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaysa in goobaha gubtay ay kala yihiin.

1) – Xafiis ay ku keydsanaayeen Computero iyo qalab muhiim ah, kuwaas uu lahaa Bankiga dhexe ee Soomaaliya waxeyna wararku sheegayaan, in halkaas sidoo kale ay yiileen Dukumiintiyo muhiim ah.

2) – Waxaa sidoo kale basbeelay qeybta keydka diiwaan gelinta Shaqaalaha dowladda, xogta ayaa sheegeysa in halkaasi ay yiileen diiwaan gelintii ugu dambeysay ee Ciidamada Biometric-ga iyo diiwaan gelintii ugu dambeysay ee dhamaan shaqaalaha dowladda, diiwaan gelintaas oo ay ka qeyb qaadatay hay’adda IMF iyo kuwa kale. Si kastaba xogtan ayaa sidoo kale goobo kale taal, taasi oo khasaarahan ka dhigeysa mid aan cusleyn.

Dowladda Soomaaliya gaar ahaan maamulka Gobalka Banaadir ayaa qariyay baahinta arrintaan waxaasa xogtaan ka helnay xubno ka tirsanBankiga dhexe iyo Kooxda dab damiska gobalka Banaadir.

Ilaa hada lama oga sababta rasmiga ah ee keentay in uu dambkaan ka kaco Bangiga dhexe, hasa yeeshee waxaa maalmihii la soo dhaafay Muqdisho uu dab ka kacay ugu yaŕaan 5 jeer, kuwaas oo ahaa guryo dad leeyihiin, waxaana loo badinayaa korontada inay dhalisay.