XOG Cusub: Qorshihii ay Ethiopia kula wareegi laheyd Somalia oo gabagabo maraayo

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa qorsho la doonaayo in Gen. Gebra looga dhigo wakiilka IGAD ee Somalia, kaasi oo iminka maraaya heer gabagabo.

Qorshahaani xoogiisa ayaa waxaa wada Dowlada Ethiopia oo garab siyaasadeed ka heleysa Dowlada Somalia, waxaana iminka leysku raacay in Gen. Gebra lagu buuxiyo booska uu heyn jiray Afey.

Qorshaha laga damacsanaa xilka ay QM u magacawday Afey, ayaa ahaa in Gebra loo dhiibo xilkaasi waxa ayna iminka Dowlada Ethiopia ku andacooneysaa in Gebra uu awood u leeyahay qabashada xilkaasi.

Ujeedka ugu weyn ee Gebra loogu dhiibaayo xilkaasi ayaa ah in Dowlada Ethiopia ay si rasmi ah gacanta ugu dhigto Siyaasada Somalia, waxaana arrintaani lagu soo beegay xili Somalia ay ku jirto kala guur isla markaana la filaayo in dalka ay ka talin doonto Dowlad cusub.

Gebra ayaa waxaa muddo sanad ka hor lagu biiriyay Xubnaha IGAD ka jooga Somalia, iyadoo qorshaha ugu weyn uu ahaa in xiliga kala guurka loo suuragaliyo in xilkaasi uu qabto.

Nasiib darada ugu weyn ayaa ah in Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo ku dhaartay inay difaacayaan dalkooda ay Dowlada Ethiopia u sahlaan qaab waliba oo ay ku hanakarto Somalia.

Lama saadaalinkaro natiijada kasoo bixi doonta qorshaha cusub oo ay isla wadaan Dowladaha Ethiopia iyo Somalia, kaasi oo ku xeeran in Gebra loo hibeeyo awooda uu ku maamuli lahaa Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com