Xog: Daljir oo la ogaaday sababta ku khasabtay heshiiska Damjadiid

Muqdisho (Casimada Online) –  Ilo wareedyo muhiim ah oo la soo xiriirey Caasimada Online ayaa u xaqiijiyay waxa sababay heshiiska yaabka leh iyo is xulufeysiga dhexmaray xisbiga Daljir iyo kooxda Damjadiid, taasi oo Daljir ay ku qasbanaatay inay isbahaysi la sameysato Damjadiid maadaama laga soo xirxiray dhowr meel oo ay dhaqaalo ka heli jireen.

Guddoomiyaha Xisbiga Daljir Xasan Macalin iyo  xoghayaha guud ee xisbigaas Axmed Macalin Fiqi ayaa lacago uga qaadan jiray dowladaha Turkiga iyo Sudan sabab la yaab leh, taasi oo ahayd in Shariif Shiikh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu gabi ahaanba isaga baxay siyaasadda, oo uu tacliin iyo caruur korsi uu kujiro, sidaa darteesna xisbiga Daljir ay taageera dhaqaale magaciisa uga raadsan jireen dalalkaasi oo u haystay in Daljir shariifka uu leeyahay.

Shariif Shiikh Axmed oo safaro aan la sii sheegin ku tagay dalalkaasi ayaa soo xiray dhammaan wixii albaab ahaa oo magaciisa ay wax uga qaadan jireen dowlada ay kamid ahaayeen Turkiga iyo Suudaan, isaga oo hor dhigay dowladahaasi inuu musharax yahay kana qayb galaya doorashada dhawaan dhacaysa, wuxuuna la wadaagay qorshe siyaasadeedkiisa dowladda cusub ee uu soo dhisi doono haddii uu ku guulaysto doorashada 2016.

Saraakiil ka tirsan dowladaha Turkiga iyo Suudaan ayaa Daljir ku canaantay been abuurkanay shariifka ka sameeyeen ee ay lacaga ku qaadan jireen, iyaga oo u sheegay in aysan dib dambe u heli doonin kaalmadii la siin jiray.

Xasan Macalin iyo Axmed Macalin Fiqi oo labaduba soo kala galay barlamaanka cusub ee aan la dhaarin ayaa qaatay go’aan cajiib leh, iyaga oo isku dhiibay Damjadiid una xaqiijiyay inay kala shaqeyn doonaan dib u doorashada hogaamiyahooda Xasan Shiikh Maxamuud oo qalabka warbaahinta ay u marin jireen aflagaadadii ugu adkayd oo xitaa ka baxsanayd xeerka mucaaradada iyo anshaxa mas’uuliyiinta.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com