Xog: Dhaqan galinta amarkii kasoo baxay Fahad Yaasiin oo caqabad la kulmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Somalia Fahad Yaasiin uu soo saaray amar ku aadan in dadka shacabka ah ay ka guuraan Madaxtooyada ayaa waxaa soo baxaaya in durba amarkaasi laga muujiyay diidmo.

Agaasimaha oo kaashanaaya taliyaha iyo abaanduulaha ilaalada Madaxtooyada ayaa ciidamada ka howlgala madaxtooyada faray inay gaaraan goobaha lagu jiro ee warqadu ay ku socto.

Ciidamada gaaray guryaha lagu jiro ee qeybta ka ah madaxtooyada Somalia ayaa diidmo iyo caqabado kala kulmay Qoysaska, Wasiirada, Xildhibaanada iyo shaqsiyaadka xilalka ka haya dowlada ee la doonaayo in laga saaro Madaxtooyada.

Dadka ay ku socto fariinta Agaasimaha ayaa dalbaday in la geeyo goobo kale oo ay kusii noolaadan, haddii ay waayan aysan ka bixi doonin guryaha ay sanado badan ku noolaayen.

Ciidamada fulinta amarkaasi lasiiyay ayaa sidoo kale laga dalbaday inay ka dhowr sugaan mudada loo qabtay inay uga baxaan madaxtooyada Somalia.

Xarunta madaxtooyada ayaa waxaa degan wasiiro, xildhibaano iyo shaqsiyaad xilal kala duwan soo qabtay iyo kuwo u dhow madaxweynaha.

Qorshaha raritaanka dadka degan madaxtooyada ayaa la sheegay inuu yahay mid lagu dayactiraayo xarunta, iyadoo mudada loo qabtay qoysaska iyo Hay’adaha kale ay tahay 14 maalmood gudahood in ay ugu guuraan.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogeyn sida uu ku dhaqan gali doono amarka Agaasimaha madaxtooyada Somalia, waxaana xusid mudan in arrintaan ay horay ugu guuldareysatay dowladii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com