Xog dheeri ah: Sidee ayuu u dhacay weerarkii ciyaartoyda lagu qaaday?

Muqdisho (Caasimada online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaabkii uu u dhacay weerar lagu dilay laguna dhaawacay ciyaaryahano ka tirsan kooxaha ka dhisan dalka Soomaaliya.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Calamada oo ku yaala duleedka magaalada Muqdisho, waxaana ciyaartoyda oo wadatay gaari raaxo ah lagu furay rasaas, sida ay inoo sheegeen xubno ka tirsan kooxaha dalka ka dhisan.

Cumar Muumin Cumar iyo Cabdulaahi Mayow oo ka tirsan kooxda Elman oo shalay uun la siiyay fasax ay reerahooda kusoo booqan lahaayeen ayaa ku dhaawacmay rasaas lagu furay gaariga ay wateen.

Waxaa isla goobta ku dhintay tababare ku xigeenkii kooxda Bariga dhexe oo ka dhisan magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaasi oo u dhintay dhaawacii soo gaaray.

Xoghayaha kooxda Elman  Cumar Maxamed Foha ayaa sheegay in ciyaartoyda ay ku jiraan xaalad Komo ah, uuna daran mid kamid ah oo dhaawaca isha uu kasoo gaaray.

“Labo wiil oo naga mid ah ayaa dhaawacan, mid kamid ah Isha ayay ka dhacday xabada, isbitaalka ayay ku jiraan labadooda, tababare ku xigeenka  bariga dhexe wuu dhintay alle ha u naxariisto, gaari raaxo ayagoo saran ayaa Calamada Agtooda lagu rasaaseeyay”ayuu yiri.

Ma jiro ilaa iyo hadda faahfaahin ku aadan sababta ka dambeysay arintaan.