XOG: Dowladda iyo Raaskambooni oo mar kale ku kala tagay arrin cusub oo Dowladda ay soo bandhigtay

Kismaayo (Caasimada Online) – Warbixino hor leh oo soo baxay, ayaa sheegaya in kullamadii dhowaan ku dhex maray Kismaayo madaxda ururka Raaskambooni iyo waftigii Dowladda ay hakaasi booqday ay ku dhammaadeen is marin waa.

Horey ayaa inta badan warbaahintu oo Caasimada Online ay ku jirto waxa ay u weriyeen in is afagard uu ka dhex dhacay labada dinac, hase yeeshee xog aan ka helnay sarkaal ka tirsan Raaskamabooni oo doonaya inaan magaciisa la adeegsan, ayaa muujineysa in labada dhinac ay weli aad u kala fog yihiin.

“Waxaa jira in weli la isku khilaafsan yahay arrinta Jubbaland” ayuu yiri sarkaalka.

Waxa uu intaas ku daray “Wasiirada dowladda waxa ay soo bandhigeen arrin ay doonayee oo ah in Dowladda ay Kismaayo usoo magacowdo maamul KMG ah oo waqtigiisu ku eg yahay 3 bil, ka hor inta aan maamul rasmi ah loo dhisin.

Waxa uu sheegay in madaxda Raaskambooni ay ku gacan seereen soo jeedinta Dowladda, islamarkaana taasi ay hor seeday murran siyaasadeed hor leh oo labada dhinac ka dhex dilaacay, ayna kula tageen ayaga oo aan heshiin.   Sarkaalka, ayaa dhinaca kalena sheegay in kooxaha siyaasadeed ee Kismaayo ay weli ku taagan yihiin mowqifkooda ah dhismaha maamul dadka deegaanka ay soo dhisaan oo dowladda aysan wax shaqo ah ku lahayn.

Hadalladiisa ayaa khilaafaya kuwa uu dhowr maalmood ka hor jeediyay hogaamiyaha Raaskamabooni Axmed Madoobe oo u sheegay waftigii Dowladda in dhisamaha maamulka Jubbaland uu ku jiro gacanta dowladda, inkasta oo hadalkiisa lagu macneeyay mid diblomaasiyadeed, oo aan ka tarjumeyn mowqifkiisa dhabta ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

caasimada@live.com