Xog: Faarax C/qaadir, Mahad Salaad iyo sababtii dhalisay madasha horusocod

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowaan waxaa Soomaaliya kasoo shaac baxay koox xildhibaano ah oo la magac baxay madasha Horusocod, kuwaasi oo dad badan u arkay inay caqabad ku yihiin nidaamka dowladnimo iyo dowladda cusub ee xitaada aan boqolka maalmood jirin.

Kooxdan ayaa sheegay inay gaarayaan xildhibaano ku dhow 100, hase yeeshee baaritaan Caasimada Online ay sameysay ayaa muujiyey inay u dhaxeeyaan 15 illaa 20 xildhibaan.

Baaritaan kale oo ay Caasimada Online sameysay ayaan kusoo ogaanay sababtii dhalisay kooxdan iyo ujeedada rasmiga ah ee laga lahaa.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in madashan ay ku dhalatay qorshe ay rabeen Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Mahad Salaad oo socon waayey. Labadan xildhibaan ayaa ka mid ah kooxda Damu-Jadiid ee talada dalka lagala wareegay.

Xildhibaano codsaday inaan magacooda la shaacin ayaa Caasimada Online u sheegay in Faarax Cabdulqaadir uu guddoomiye Jawaari ka codsaday in laga dhigo u qeybsanaha baarlamanka Soomaaliya ee arrimaha carabta iyo in Mahad Salaad laga dhigo u qeybsanaha arrimaha Afrika.

Arrintan ayaa laga lahaa laba ujeedo. Tan koowaad oo ah in Faarax uu mashruucyo badan u helo hay’adahiisa waxbarashada ee inta badan ku xiran Carabta iyo inuu taas uga faa’iideysto inuu dowladda kala dagaalamo dhinaca Carabta, halka Mahad Salaadna loo xil saaray dalalka deriska iyo kuwa Afrika.

Jawaari ayaa marka hore ogolaaday codsiga Faarax Cabdulqaadir, hase yeeshee waxaa markii dambe ka hor yimid guddoomiye ku xigeenka baarlamanka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey, waxaana Jawaari ku qasbanaatay inuu ballanta uga baxo Faarax Cabdulqaadir iyo Mahad Salaad.

Labadan xildhibaan ayaa ayaga oo ka duulaya arrintan dhisay xildhibaanada Horusocod, oo ay gadaal ka hagayaan, waxayna guddoomiye uga dhigeen Cabdirashiid Xiddig, si mooshin xil ka qaadis looga keeno Jawaari.

Waxaa sida la sheegay inay isku haleenayaan xidlhibaanada baarlamanka ugu jira Damu-jadiid. Waxaa sidoo kale ay la hadleen xildhibaanada kooxda Daljir, ayaga oo isku sheegay in haddii ay midoobaan ay xukunka ka tuuri karaan Jawaari.

Qorshaha xilka looga qaadayo Jawaari, ayaa waxaa sidoo ku xigi lahaa qorshe kale oo fog oo ah in ra’iisul wasaare Kheyre xukunka laga tuuro, taasi oo aan hadda hir-gelin karin maadaama guddoomiye baarlaman oo qorshahan qeyb ka ah uusan jirin.

Xildhibaano badan ayaa la sheegay in ka horyimaadeen labadan qorshe ayaga oo ku dooday inay caqliga saliimka uu diidayo in arbushaad lagu kiciyo dowlad jirta kaliya 3 bilood.