Xog: Farmaajo oo axadda ku wajahan Imaraadka iyo hal arrin oo lasoo afjari doono

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dhaxal-sugaha dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Mohammed bin Zayed Al Nahyan uu casuumad rasmi ah u fidiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu maalinta axadda ka dhoofo magaalada Muqdisho, isaga oo Isniinta si rasmi ah ula kulmi doono Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in casuumadda Imaaraadka Carabta ay astaan u tahay isku soo dhowaansho dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Kadib markii dowladda Soomaaliya ay mowqif dhex-dhexaad ah ka qaadatay xiisadda dalalka Carabta, waxaa mugdi galay xiriirka dowladda iyo dalalka ka soo horjeeda dowladda Qatar, oo doonayey taageerada dowladda Soomaaliya.

Arrintan ayaa sidoo kale waxaa dhaliilay siyaasiyin ku sugan gudaha dalka oo markii horeba mucaarad ku ahaa dowladda, una arkay fursad siyaasadeed oo ka faa’iideysan karaan.

Si kastaba, mowqifka dowladda Soomaaliya ayaa ku saleysnaa siyaasad ku dhisan ilaalinta madax banaanida Soomaaliya, iyo in dowladda Soomaaliya aysan abuuran cadaawadda dalal kale, xilli cadaadis siyaasadeed uu markii horeba ka haystay gudaha dalka iyo gobolka.

Wixii markaa ka dambeeyey, madaxweyne Farmaajo ayaa hab diblomaasiyeed ugu guuleystay inuu dowladaha Masar iyo Sacuudiga ka dhaadhiciyo in danta Soomaaliya ay ku jirto in xilligan aysan dhinac ka raacin dalalka carbeed ah ee is-haya, waxaana taas caddeyn u ahaa markii Sacuudiga ay dowladda ugu deeqeen 50 milyan oo dollar, ayaga oo garowsaday in mowqifka ay qaadatay uu ahaa mid lagama maarmaan ah.

Warar ku dhow Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in markooda ay garwosadeen in mowqifkii dowladda ay qaadatay uu danteeda ku jiray, ayna hadda diyaar u tahay inay xiriir wanaagsan la yeelato, islamarkaana taageerto.

Sidoo kale Arrinta ugu muhiimsan ee Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa dalka Imaaraadka Carabta ayaa ah in lasoo afjaro mashaariicda ay Imaaraadka ku bixineysay in la mucaarado dowladda Soomaaliya, waxaana muuqato inay markaan isku soo dhawaanayaan dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Haddi ay dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta isku afgartaan in la joojiyo mashaariicdaas waxay dhibaato xoog leh ku noqon doontaa Siyaasiyiin badan oo lasoo siiyey Mashaariic looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya.

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa Muqdisho laga dareemay shirar kala duwan oo ka dhan ah dowladda kuwaas oo asal ahaan ay Mashaariic kusoo bixisay dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana hadda la dareemayaa in Safarka Madaxweynaha uu ku imaaday isfahan dhex maray labada dowladood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com