Xog: Farmaajo oo laalay qorsho la rabay in xil loogu magacaabo Indha Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu laalay qorsho la doonaayay in xil loogu magacaabo Hoagaamiye Kooxeed hore Yuusuf Indha cadde.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in laalidiisa ay timid kadib markii Odayaal dhaqmeed cabanaaya ay u tageen kuwaa oo watay qorsho ka duwan kan xilka loogu magacaabi lahaa Yuusuf Indha Cadde, ayna doonayaan in shaqsiyaad kale oo beesha ah xilal loo magacaabo.

Madaxweynaha dalka ayaa bilihii ugu danbeeyay ku taamaayay in Yuusuf Indha Cadde uu ku biiriyo Taliyayaasha Ciidamada Militeriga, waxaana iminka soo baxaaya inuu hakiyay qorshaha uu xilka ugu magacaabi lahaa Sheekh Yuusuf.

Yuusuf Indha Cadde oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii hore ayaa iminka u muuqanaaya mid aan la dhacsaneyn dowlada hadda jirta, kadib markii uu meesha ka baxay ballanqaadyadii uu horay ugu sameeyay Madaxweyne Farmaajo.

Odayaasha Beesha Habar-Gidir, gaar ahaan Beesha uu kasoo jeedo Yuusuf Indha Cadde ayaa iyaguna la xaqiijiyay inay ka caga jiidayaan in Indha Cadde uu kasoo dhexmuuqdo dowlada uu horboodaayo Madaxweyne Farmaajo, iyadoo sababta lagu sheegay in Beeshaasi ay dhaliilsan tahay xilalka ay ka heshay dowlada.

Ka sokow qorshaha lagu laalay Indha Cadde iyo dhaliisha Beesha Habar-Girid, waxaa jira shaqsiyaad gaara uu Madaxweynaha Somalia kasoo dhex xulanaayo Beesha kuwaa oo aan xiriir kala dhexeyn Odayaasha Beesha, waxa ayna tani meesha ka saartay rabitaanka beesha.

Sidoo kale, Beesha Habar Gidir ayaa xusul duub ugu jira kasoo dhexmuuqashada xilalka harsan ee aan weli isbedelka lagu sameyn sida Garsoorka iyo xilal kale, walow aan la saadaalin karin inay heli doonaan iyo inkale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com