Xog: Farmaajo oo qaabilay odayaal uu soo diray Boorsaani + Ujeedada

Kampala (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Sheekh Yuusud Xuseen Jimcaale “Boorsaani” oo dadaal badan iyo juhdi ku bixinaya sidii uu u xajisan lahaa kursiga uu ku fadhiyo ayaa abaabulay odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin kasoo jeeda beesha Mudullood.

Kullan maanta xarunta madaxtooyada ka dhacay ayaa madaxweyne Farmaajo uu kula shiray odayaasha beesha Mudullood, waxaana kullankaasi oo ahaa mid qado ah waxaa goob joog ka ahaa SH. Yuusuf Boorsaani oo odayaashaasi u geeyay madaxweynaha.

Wariyaha Caasimada.com ee Muqdisho ayaa soo sheegaya in odayaashaasi ay madaxweynaha hordhigeen dalab ah in xilka guddoomiyaha gobolka iyo duqa Muqdisho la kala qaadin, isla markaana Sheekh Yuusuf loo dhaafo labadaasi xil ee is sacaran.

Odayaasha dhaqanka ee uu la shir tegay Sh. Yusuf oo dhaqaale ku bixiyay inay madalaan iyo balan qaad uu u sameeyay ayaa waxaa ka mid ahaa Imaamka beelaha Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Malaaq Cali Malaaq Showri, iyo odayaasha dhaqanka beelaha Moobleen Ismaan, iyo Ujeejeen.

Sida ay ku waramayaan xubno shirkaasi ka qeybgalay ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo oo aan ku qanacsaneyn soo jeedinta odayaasha uusoo abaabulay Boorsaani uu ka dhageystay codsigooda iyo dalabkooda, isagoo aan wax jawaab ah oo ay ku qanceen uusan bixin madaxweyne Farmaajo.

Sheikh Yuusuf Boorsaani ayaa lagu xusuustaa ololihii doorashadii inuu u ololeynayay madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud isagoo dhaqaalihii ugu badnaa ee dhulalkii danta guud ee sida sharci darada uu u iibiyay ku bixiyay doorashooyinkii xildhibaanadii taageersanaa Xasan SHeekh iyo doorashadii 8-dii Febraayo ee guushu ku raacday madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Sh. Yusuf Boorsaani ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay guddoomiyihii ugu masuq maasuqa badnaa ee soo mara gobolka Banaadir, isagoo si indo la’aan ah u xaluufiyay wixii dhul dowladdu laheyd ee bannaanaa kana iibiyay ganacsato ay ku shuraakoobeen dhul boobka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com