Xog: Fowsiya Yuusuf oo kursi iibsatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somalia Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa iminka u xusul-duubayso sidii ay ugu soo biiri lahayd Bralamaanka Federalka Somalia, xog cusub, ayaa sidaas sheegeysa.

Ilo lagu kalsoon yahay, ayaa xaqiijiyey in Fowzia Yuusuf Xaaji Aadan ay gorgortan hoose la gashay mid ka mid ah Xildhibaanadda oo ay hayb-wadaag yihiin, si uu ugu banneeyo Kursiga.

Wararku waxay sheegayaan inay Fowzia ku guuleysatay inay xeer jajab dufan leh kadib inuu Xildhibaan Ismaaciil Xasan Jaamac oggolaaday inuu iska casilo xubinimaddiisa Barlamaanka, iyadoo Fowzia Yuusuf Xaaji Aadan loo oggolaaday inay xubin ka noqoto Barlamaanka.

Ilo-wareedyo ayaa xaqiijiyey in ay Guddoonka Barlamaanka u sameeyeen Fowzia Yuusuf Xaaji Aadan Budje isla markaana lagu wado in la dhaariyo, si ay uga qeyb gasho Kulamadda ay Xildhibaanadda Barlamaanka isugu yimaadaan.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in sababaha ku dhaliyey FowsiyaYuusuf Xaaji Aadan inay u ololeyso inay xubin ka noqoto Barlamaanka ay tahay si ay xasaanad ugu hesho haddiiba ay dhacdo inay Hay’addaha Garsoorka baaritaan ku sameeyaan Warbixintii ay Guddoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe ee Somalia, Marwo Yusur Abraar ka diyaarisay Fadeexadda la xiriirta Lacagaha la lunsaday iyo Eedeymaha loo soo jeediyey Fowzia Yuusuf Xaaji Aadan iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa inay doonayeen in Xisaab Lacageed “Account” ka furtaan Bangi ku yaalla dalka Imaaradka Carabta.

Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan wey beenisay inay wax qalad ah samaysay.

Dowladaha deeqaha bixiya waxay si dhab ah u dhuuxeen Warbixinta Guddoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe u gudbisay oo ruxun-siyaasadeed dhaliyey.

Diplomaasiyiinta ayaa rumeysan inay Warbixinta Yusur Abraar sababtay in la hakiyo inta badan Taageeradii Dhaqaale ee Dowladda federalka loo ballanqaaday.

Si kastaba ha ahaatee, Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa geed gaaban iyo mid sare u laashay si ay u hesho Xasaanad Xildhibaanimo, oo ka difaaci kara haddii ay xaallada gaarto Hay’adaha Garsoorka, iyadoo horey u sheegtay inay dacwad ku soo oogayso Wakaalladda Wararka REUTERS, oo ay sheegtay inay daabaceen Warbixintaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com