Xog: Gaas oo ka walaacsan tallaabada uu qaaday Galayr

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa lasoo warinayaa inuu aad uga walaacsan yahay Heshiiska Cusub ee Cali Khaliif uu magaalada Addis Ababa kula galay Maamulka Somaliland.

C/wali Gaas, ayaa sheegay in Deegaanada Khatumo ay qeyb ka yihiin Puntland, waxa uuna qaadacay Heshiiska Cusub ee Cali Khaliif uu la galay Maamulka Somaliland.

Gaas waxa uu sheegay in Cali Khaliif uusan laheyn mabda Siyaasadeed, waxa uuna ku sifeeyay Siyaasi ay diirada ka luntay isla markaana kala qeybinaaya Somalia.

“Cid waliba wey la soctaa in Deegaanada uu Cali Khaliif hoosgeeyay Somaliland ay qeyb ka yihiin Puntland, dabcan anagu kama aamusi doono ficilka uu sameeyay Galeyr”

C/wali Gaas oo haddalkiisa sii wata ayaa yiri ”Cali Khaliif Somaliland wuu la midoobi karaa laakiin kulama midoobikaryo deegaanadeen taas isaga ayaa wax laga weydiin doonaa”

Sidoo kale, Maamulka Somaliland ayuu ku eedeeyay faragalinta ay ku heyso Deegaanada Puntland waxa uuna ku baaqay in Somaliland ay ku ekaato deegaanada ay maamusho.

Haddalka C/wali Gaas ayaa imaanaya xili Hogaamiyaha Maamulka Khaatumo uu Somaliland Heshiis kula galay inay midooban.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com