Xog: Ganacsatadii iibsatay dhulkii Terabuunka oo shirqool halis ah ku kicinaya dadka degan

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxyadii ka dhacay maqaayad ku taal terabuunka dad kor u dhaafaya seddax qof ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen ayaa waxaa soo baxaya tuhumo laga qabo inay qaraxyadaasi ku lug lahaayeen ganacsatadii sida sharci darada u iibsatay dhulkii Terabuunka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani) oo dhulkaasi ka iibsaday ganacsatada, lacagtii kasoo xarootay loo isticmaalay ololihii doorashada ee Jowhar iyo Cadaado oo lagu taageeray xildhibaano ka mid ah baarlamanka cusub.

Wariyeyaal booqday goobta labada qarax ay ka dhaceen ayaa wareysiyo ay kasoo qaadeen dadka deegaanka waxay qabaan in qaraxyadaasi ay ahaayeen kuwo dadka looga kicinayay goobahooda ganacsi iyo guryahooda, ayna soo abaabuleen ganacsatada iibsaday dhulkaasi.

Haweeney waayeel ah oo ku doodeyso lahaanshaha dhulkaasi isla markaana haysato documenti ku taariikheysan 1960-kii, ka hor inta aan xorriyadii laga qaadan gumeystihii, waxayna sheegtay in curushadii dowladdii Kacaanka dhulkaasi loo adeegsan jiray xafladaha 21 Oktoobar, haddii shaqsi loo sharciyeynayana ay xaq u leeyihiin in loo sharciyeeyo dadka caddeymaha u haysta.

Haweeneydaan oo diiday in magaceeda la adeegsado ayaa sheegtay in markii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu dhulkaasi ka iibiyay ganacsato ay ka mid yihiin Xasan Mire oo ah Guddoomiyaha ganacsatada Suuqa Bakaaro, C/qaadir Cumar Caddaan oo wakiil ka ah reer Cumar Caddaan iyo ganacsato kale, la bilaabay in dadka laga kiciyo dhulka, ciddii diidana lala xaalayay, laakiin ay jiraan dad diiday xaal iyo cagajugleyn, waxayna taasi keentay in lasoo dul dejiyo ciidamo kala duwan oo gobolka Banaadir uu soo amray.

Ujeedada laga lahaa ciidamadaasi lasoo dul dejiyay dadka shacabka ayaa aheyd in lagu barakiciyo dadka, markii la arkayna in aysan barakaceyn waji kale oo ah in qaraxyo lagu soo weeraro ciidamada ay soo abaabuleen ganacsatada iibsaday dhulkaasi danta guud.

Waxaa qoraaladeena danbe idiin kugu soo gudbineynaa wareysiyo aan kasoo qaadnay dadka degan dhulka Terabeenka iyo muuqaalo faah faahsan.

Halkaan ka akhri qoraal iyo documenti caddeynaayo in la iibiyay dhulkii Terabuunka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com