Xog: Guuleed oo go’doon siyaasadeed geliyey Gaas ugana adkaaday isbaheysi cajiib ah (Maxaa ka dhacay Madasha?)

Villa Somalia (Caasimada Online) – Shirkii madasha ee ka socday magaalada Muqdisho ayaa lagu kala tagay kadib markii shirka uu ka carrooday madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas.

Gaas oo loolan siyaasadeed kala dhaxeeyey madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa xamili waayey cadaadiska xooggan ee kala kulmay Guuleed oo xulafo siyaasadeed oo awood badan ka dhex sameystay shirka, taasi oo keentay in Gaas uu carroodo.

Shirka ayaa waxaa la xaqiijiyay in hogaamiyeyaasha maamullada iyo kuwa dowladda Federaalka ay isku mari waayeen arrinta Aqalka Sare, waxayna dhibaatadu ka dhalatay markii la isku dayay in Puntland lagu qanciyo inay soo celiso labadii xubniood loogu kordhiyay shirkii hore ee laga soo jaray Somaliland, taasi oo ahayd waxa Guuleed uu ololeynayey.

Shirkii xubnaha dheeriga loogu daray Puntland ayaa waxaa ka maqnaa Guuleed, waxaana joogay madaxweyne ku xigeenkiisa oo beesha Daarood kasoo jeeda, kaasi oo aqbalay xubnaha la siiyey Puntland.

Si kastaba, Guuleed oo arrimo caafimaad ku maqnaa ayaa markii uu soo labatay wacad ku maray inuusan aqbaleyn xubnaha dheeriga ee Puntland lagu siiyey sida xaqdarrada ah, waxaana muuqata inuu ka dhabeeyey wacadkiisa.

Guuleed ayaa qorshihiisa siyaasadeed u sameystay isbaheysi xoog badan kadib markii ay kusoo biireen

madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan, Guddoomiyaha Barlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo madaxweyne Xasan Sheekh taasoo keentay in C/weli Gaas si weyn uga caroodo.

C/kariin Guuleed ayaa muujiyey siyaasad ku dhisan furfurnaan iyo xulufeysi, taasi oo iminka madaxweynaha Puntland u ekeysiisay nin kaligiis meel taagan oo xalka Soomaaliya uu asaga u xayiran yahay, indhaha beesha caalamkana ay kusoo jeedaan.

C/weli Gaas ayaa ugu danbeyn ka baxay shirkii xalay, isagoo aan ka soo xaadirin wuxuuna us oo diray farriin ah inaanu sii wadi karin ka qeybgalka shirka Madasha, haddii aan sida uu rabo loo yeelin.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo isagu dhexdhexaad ahaa, isla markaana ugu deganaa madaxda maamulada dalka ee shirka Madasha ka qeyb gashay ayaa maanta ka dhoofay Muqdisho isagoo ku laabtay Kismaayo, waxaana uu sheegay inuu ciidul fitriga ku qaadan doono Kismaayo, kadibna uu ku soo laaban doono Muqdisho.

Shariif Xasan, ayaa talo ku soo jeediyay in la laalo Aqalka sare ee Baarlamaanka, mar haddii waqti dheer uu qaatay weliba lagu heshiin waayay, waxayna arirntii isu bedeshay is mari waa kale.

Gaas iyo Puntland ayaa iminka wajahaya laba arrino inay kala doortaan in xubnaha dheeriga ay soo celiyaan iyo in aqalka sare gebigiis meesha laga saaro.

Wararka ayaa sheegay in wakiilda beesha caalamka ee Somalia ay kulan deg deg ah kula leeyihiin Villa Somalia Madaxweyne Xasan Sheekh Maxa’uud, iyagoo isku dayay inay xaliyaan Khilaafka keenay in burburo Shirka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com