Xog: Halkee laga keenay saanadda milatari ee lagu wareejiyey Mukhtaar Roobow?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay maamulka Koonfur Galbeed ayaa saanad Militery ku wareejiyay wadaadka Mukhtaar Roobow oo weli ku sugan deegaank Abal.

Saanada oo isugu jirta noocyo kala duwan ayaa waxaa daabulay Wasiirka Amniga Koofur Galbeed Xasan Eelaay oo amar ka heystay Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Hubka oo laga raray Saldhig Militery oo ay ciidamada Ethiopia ku leeyihiin degmada Xudur ayaa waxaa si amaah looga qaaday Taliska ciidamada Ethiopia ee Koonfur Galbeed.

Hubka oo u badan rasaas, ayaa waxaa lagu kabayaa Hub gabaabsi ah oo ay heystaan dagaalyahaanada Mukhtaar Roobow, iyadoo ujeedka ugu weyn uu yahay furfurnaansho loo muujinaayo wadaadka Mukhtaar Roobow.

Sidoo kale, saanada la gaarsiiyay Roobow ayaa waxaa ku jira gaadiid dagaal iyo kuwa lagu daabulo gurmadka si ay u isticmaalaan dagaalyahaanada daacada u ah Mukhtaar Roobow.

Si kastaba ha ahaatee, dhaqdhaqaaqa dagaal ee ka taagan deegaanka Abal ayaa waxaa ku biiray ciidamada dowlada oo gaaray qeybo kamid ah deegaanka uu ku sugan yahay Roobow.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com