Xog: Heshiis ka kooban dhowr qodob oo dhex maray Gaas iyo baarlamanka Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya Garoowe, ayaa sheegaya in is-afgarad uu dhexmaray Madaxweynaha Puntland iyo golaha Wakiillada oo dhawaan cayriyay dhammaan wasiirrada xukuumadda taasoo ka dhalatay is-faham waa markii hore dhexmaray Cabdiwali Gaas iyo Guddi matalayay Barlamanka.

Sida ay sheegayso xogo aan ka helnay ilo wareedyo lagu kalsoonyahay, labada dhinac ayaa habeenkii xalay ku hishiiyay dhowr qodob oo ay kamid tahay inaan la carqaladayn ama aysan Xildhibaanadu dib u celin xisaab xirka misaaniyada 2015-2016.

Dalabka Xildhibaanada ku codsadeen in loo soo gudbiyo xisaab xirka misaaniyada ayaa welwel weyn ku haystey madaxtooyada iyo wasaarada maaliyada kaa soo dad badan u qaateen in uu yahay cadaadis Madaxweyne Gaas lagu saarayo in heshiis ka gaaro waxyaalaha la isku hayo.

Xogta ayaa intaas ku daraysa in kulankaan oo ay goob joog ahaayeen guddi ka socdey Barlamanka iyo gudoonka aqalka wakilada isku-afgarteen in Wasiirrada uu soo magacaabi doono Gaas sidooda lagu ansixiyo iyadoo horay Mudane Gaas walaac uga qabay in lagu celiyo hadii uu kusoo daro wasiirrada shaqada laga eryay qaarkood.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Xildhibaanada Puntland iyo Madaxweyne Gaas ku hishiiyeen in la xalliyo arrinta markii hore khilaafku ka dhashay ee keentay in la rido Xukuumadda iyadoo golaha wakiillada loo ballan qaaday lacag aan la baahin cadadkeeda.

Shacabka iyo qaar ka tirsan dadka la socda siyaasada Puntland ayaa horey tuhun uga muujiyey ujeedada golaha wasiirada loo ridey, kuwasoo ku tilmaamey iney aheyd daneysi gaar ah balse aysan salka ku hayn la xisaabtan ka dhexeeya hay’adaha dowlada.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com