XOG: Imaaraadka oo qorshe cusub ka leh Musharaxa Siciid Deni

Dowladda Imaaraadka ayaa bedeleysa qorshihii koowaad ee taageerada R/wasaare Cumar Cabdirishiid Sharma’arke kadib markii ay la kulmeen xaalad adag iyo in qatar weyn ay gashey xitaa amniga safaaraddoodii Muqdisho.

Diplomaasiyiinta Imaaraadka ayaa laga heley xog cusub oo tilmaaneysa in CC Sharma’arke ay ku bedelaan musharax ku heyb ah oo lagu magacaabo Siciid Deni kana tirsan urur diimeedka Damjadiidka, taasi oo ay ula jeedaan laba qorshe oo ah in kan koowaad ay ka rumeeyaan wacadkoodii ahaa in musharsx hawiye ah uusan doorashadan kuso bixin iyo in laga taqaluso fashilkii uu ku keeney sharna’arke.

Ganacsato ku dhow Imaaraadka oo ganacsi uu kala dhaxeeyo musharax Siciid Dani oo kala jooga Muqdisho iyo Dubai ayaa u xaqiijiyey Caasimadda in musharax Siciid Deni oo markii hore ahaa plan B uu haatan u noqdey imaaraadka Plan A, waxaana sidoo kale dhabar jab ay ku tahey xisbiga Damjadiid oo dhexdooda markii ugu horeysey lagala soo baxey musharax caqabad ku noqon kara.

R/wasaare Sharmarke oo Kismaayo tagey ayaa laga soo xigtay inuu si kulul u cambaareynayo kadaba shaqeynta lagu sameeyey, isaga oo eedeeyey Xasan oo uu ku tilmaaney nin aan isku kalsooneyn oo wax kastana isku raba.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com