Xog: Imaaraadka oo u yeeray hogaamiyayaasha maamul goboleedyada Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay dowlada Imaaraadka Carabta ayaa casuumaad gaara u sameysay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Casuumaada Madaxweyne Farmaajo ayaa salka ku heysa Siyaasado hoose oo la xiriirta maslaxada labada dal, waxaana lagu wadaa in heshiisyo ay ka gaaran tuhun Siyaasadeed aan la shaacin.

Casuumaada loo fidiyay Farmaajo, ayaa waxaa la xaqiijiyay inay barbar socto casuumaad kale oo dowlada Imaaraadka ay u fidisay Hogaamiyayaasha maamul goboleedyada ka jira dalka.

Hogaamiyayaasha ayaa la xaqiijiyay in todobaadka soo socda ay Imaaraadka aadi doonaan, halka Madaxweynaha Somalia Farmaajo uu ka safri doono maalinta Axada ee fooda nagu soo heysa.

Hogaamiyayaasha ay marti galisay dowlada Imaaraadka ayaa waxaa kamid ah Hogaamiye Shariif Xasan iyo C/wali Gaas.

Qorshaha ay dowlada Imaaraadka ugu yeertay Hogaamiyayaasha ayaan cadeyn, inkastoo socdaalkoodii ugu danbeeyay ee Imaaraadka uu ahaa mid ku xeeranaa arrimo dhaqaale.

Dowlada Somalia ayaa horay u diiday inay garab istaagto dowladaha Khaliijka oo iyagu kasoo horjeeda siyaasada dowlada Qadar.

Si rasmi ah uma cadda casuumaada kulmisay Madaxweyne Farmaajo iyo Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada ka jira dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com