Xog: Imaaraadka oo wada qorshe lagu dhiciseynayo dowladda Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Dowlada Imaaraadka Carabta ay wado qorsho lagu dhiciseynaayo Dowlada Somalia ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo.

Qorshaha Imaaraadka ayaa la sheegay inuu yahay mid lagu uruurinaayo dhinacyada mucaaradka ku ah Dowlada cudoonka ah ee Somalia, kuwaa oo saldhig u noqon doona magaalada Abu Dabai.

Shaqsiyaadka ay uruurineyso Dowlada Imaaraadka ayaa waxaa kamid ah Xisbiyada muuqda ee sida ba’an kaga soo horjeeda Farmaajo, Siyaasiyiinta madaxa-banaan ee miisaanka ku dhex leh Siyaasada Somalia, Hogaamiye Kooxeedyo hore iyo Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee BFS, kuwaa oo wadashaqeyn hore ay kala dhexeyso Imaaraadka.

Shaqsiyaadka ay Dowlada Imaaraadka sida gaarka ah u dooneyso ayaa waxaa sidoo kale kamid ah Musharaxiinta ku guuldareystay Doorashada Somalia ee Siyaasad ahaan kasoo horjeeda Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo.

Dowlada Imaaraadka ayaa arrintaani u xil saartay Diplumaasiyiin ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibadda dalkaasi, waxa uuna qorshuhu yahay inay saldhigtaan magaalada Abu Dabai.

Dowlada Imaaraadka ayaa dhawaanahaani aad uga careysneyd Dowlada Somalia ee uu Hogaaminaayo Madaxweyne Farmaajo, kadib markii ay isku fahmi waayen Siyaasada ay Imaaraadka ku faragalineyso Somalia.

Dowlada Madaxweyne Farmaajo ayaa la daaladhaceysa Caqabado Siyaasadeed oo kaga imaanaya Gudaha Somalia iyo Dibadiisa.

Geesta kale, Caqabadaha ugu badan ayaa kaga imaaneysa Dowladaha ku sifoobay faragalinta amuuraha Somalia sida Imaaraadka, Ethiopia iyo Kenya oo iminka iska masaxeysa shakiga laga qabo mucaarad nimadeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com