Xog: Imisa ayaa xildhibaanimada 2016-ka lagu kala iibsanayaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaayo warar sheegaya in Madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka ay billaabeen shirinta Odayaasha hoggaamiya beelaha ku hoos nool maamulladooda.

Shirinta Odayaasha ayaa ah mid loogu gol leeyahay in Madaxweynayaasha maamulada ay ku xakameeyaan shaqsiyaadka la filaayo in Odayaashaasi ay kasoo xuli doonaan Beelahooda si ay uga mid noqdaan Baarlamaanka cusub.

Madaxweynayaasha ayaa iyagu doonaaya in xulista kadib ay iyaga si kali kali ah ula kulmaan shaqsiyaadka u hanqal taagaaya Baarlamaanka cusub.

Qorshaha ku hoos duugan la kulanka ayaa ah in shaqsiyaadkaasi laga qaado dhaqaale la sheegay in lagu fududeyndoono xajinta boosaska ay ku yeelan doonaan Baarlamaanka cusub.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in shaqsiyaadka qaar lagu wargaliyay in kamid ahaanshiyaha Baarlamaanka ay ku xiran tahay dhaqaale dhan 20,000$ iminka, waxaase la filayaa in lacagtaas ay sii kororto oo ay gaarto illaa 40 ama 50 kun.

Odayaasha ayaa Dhaqaalahaasi ku yeelan doona 5,000$, halka 15,000$ ee soo hareysa ay ku dhici doonto Akoonka Madaxweynaha maamulkaasi hogaamiya.

Xildhibaanada qaar ayaa waxaa ku jira shaqsiyaad lasoo halgamay maamuladooda kuwaasi oo mar labaad kusoo noqon doona BFS, iyaga oo aan bixin doonin wax dhaqaale ah, balse lacagta badalkeeda ay fulin doonaan wax waliba oo maamulka maslaxad ugu jirta.

Sidoo kale, waxaa qadka ka bixi doona Xildhibaanada meylka adag ee aan u dhaga nugleyn maamulada ka arimiya deegaanada ay kasoo jeedan.

Ma cadda sida uu noqon doono Baarlamaan qaabkaasi lagu soo dhisaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com