Xog iyo Gorfeyn: Ka fiirso Kismaayo!

Bismi’allah wasalaatu wasalaamu calaa rasuulilaah.

Fariintani waxay ku socotaa madaxweynaha Somalia, xukuumada saacid iyo waliba shucuubta koonforta Somalia. Ayaamahan ayaa waxaa dhagahayga ku batay hadal haynta iyo buuqa ku saabsan magaalada burbursan ee kismayo oo marka aad u fiirsato sida loogu fadhidirirayo aad moodo Bangi uu ninwalba Dahab dhigan jiray. Waa magaala yar oo sidii loogu kor dagaalamayay bacaad noqotay waxa saas ugalayna waa xunguri xumada iyo xilkasnima la’aanta ay waayadan qowmiyada somalidu kusifowday.

Lamaba yaabin sida ay arintan uga faaloonayeen websiteyada dadka isku dira iyo dadka uu wali kudambeeyo fikirkii dagaal oogayaashii dhiiga cabi jiray laakiin waxaan aad ula yaabay sida madaxweynaha Somalia Xasan shekh iyo siyaasinyiinta villa Somalia ay aritan uga dhigteen waajibkooda koobaad. Madax weynaha Somalia in aan caayo marabo waxaana idiin sheegayaa in aan aad ugu farxay maalintii ladoortay oo aan saaxibaday oo dhan ka dhaadhiciyay in Somalia ay maalintaas guul ku talaabsatay laakiinse durbadiiba waxaa iigasoo baxay waxyaalo badan oo candhuufta dib ii liqsiiyay. Bil dhan ayuu larafanayay in uu raysal wasaare soo magacaabo. bilooyin ayay sii marasaa tan iyo maalintii lamagacaabay xukuumadiisiina hada ayaa la ansixiyay iyadoo waliba aan aaminsanahay in xildhibaanadu ay ka baqeen hadii ay dib ugu celiyaan in tan dambe ku qaadadato illaa sanadaka dabe.

Markii aan waxyaabo badan isku geegeeyay waxaa iisoo baxday in madaxweynaha Somalia uu u igyahay nin aan isku kalsoonayn, aan fahansanayn sharciga cusub ee federalka, siyaasadiisu ay tahay mida suuqa iyo mida ay ku shubaan saxiibada danaystayaasha ah ee uu villa Somalia kusoo xaraystay. Maalinwalba waxaa madax weynaha wareeriyay dad waalan oo u badan hogaamiyo kooxeedyadii dalka burburiyay oo u sheega in ay latalinayaan. Madax weynuhu ma wuxuu rabaa in uu qaado wadadii ay qadeen 15 kii madaxweyne kumeel gaarka ahaa ee wada fashilmay? Mise wuxuuu rabaa in uu ka mid noqdo kunkii dagaal oogi ee caruurta xamar intay qaat ugadaan rasaasta isugu dhiibi jiray? Hadii ay jawaabtu maya tahay maxay tahay sababta ku kaliftay in uu dadka noocaasa latashado oo uu villa Somalia kusoo xaraysto, ama iyaga oo kuuxo usocda ay maalinwalba u yimaadaan oo ay seegiyaan shaqadii loodhibatay. Maxay tahay sababta madax weynaha kismayo loogu wareerinayo, ma waxay ka muhiimsantahay, Berbera, boosaaso, hobyo, xaradheere, Mareeg, muqdisho, Marka, baraawe iyo boqolaalka magaalo eee uu madaxweynaha u yahay kuligoodna gaajo, cadaalad daro, biya la’aan, iyo baahidu hayso?.

Nimanka intay madax weynahah u yimidaan uga sheekaynaya kismaayo muu waydiiyo meesha ay ku dhasheen iyo waxa ay uqabteen deegaanadooda, muu weydiiyo waxa ay uqabteen Somalia, muu waydiiyo waxa ay uqabteen dadkooda? waxaase kasii muhiimsan in uu isagu iswaydiiyo marko ugu horaysa kismayo maxaad u haysaa wakhtigan? Ma lacagbaa? Ma raashinbaa? ma biya nadiifaa? Ma skoolo iyo waxbarashaa? Ma dib u heshiisiin iyo damiir fiicanbaa? Mise waa kaladambaynta iyo maamulka aad xamar kusoo dabaali weyday?. Waxaan horay usoo shegay in MW xasan uu wali la’daalaadhacayo soo dhisidii xukuumada, dawladiisa dhan ee intaasoo bilood jirsatay koob shah ah wali maysan soo karin. Madax weynaha huteelkiisii ayaa villa Somalia agtiisa lagu qarxiyay, baarlamaanka hortooda ayaa maalinwalba lagu qarxinayaa, gabolada dalka oo dhan wax sharci iyo maamul ah oo kajira lama arko marka laga reebo xoogaaga Puntland iyo Somaliland oo ay bulshdoodu go’aan satay in ay caruurtooda ilaalsadaan, marka madaxweynaha iyo mafia’yada marin habaabinaysa maxaa kismayo ku khafiifiyay? Maxaa dagaalkii loo joojiyay wadanka lagu xoraynayay? Maxaa magaalada marka loo iloobay kismaayana loogu wardinayaa?.

Kenya ayaa dhulqaadanaysa aa? Waa wax aad loogu qoslo, Kenya hadii ay wax rabto waa bada iyo shidaalka ilaa hadana Xasan sheekh iyo Cali America oo ka hadlaya manaan arag “aabow kan yar aga daayoo kan weyn igusoodaa” cali America malaha wuxuu kabaqayaa hadii damaca shidaalka ee Kenya uu kahadlo in keyna ay wada shaqaynta kala laabato, marka kismaayuu karti dheeraada u yahaa; aaway shaqadii diblumaasiga?

Runtii anigu kama helin dhaqanka adadag ee hogaamiyaha Raaskambooni, axmad madoobe, laakiin marka aad dhanka kale ka fiiriso, in niman cake iska cunayay, markii ay cadaabtu kasocotay Jubooyinka ay xisaab rogan ku dayaan nin sanado kaadi usoocabay oo kudhawaad kumanaan saxiibadiisa kasoo talaabsaday waa wax aan laqaadan Karin.

Arinta iigu yaabka badan waxay tahay markii aan maqlay in madaxweynuhu uu wax ka ogyahay qorshe beelo gooniya lagu hubaynayo si ay jubooyink qalalaase uga abuuraan, uma malaynayo in xasan sheekh uu taladaas keeney laakiin layaab meleh markaad fiiriso in uu latashanayo dadkii larabay in uu xabsiyada kuguro. Waxaan maqlay in dadka lahubaynayo ay ugu horeeyaan barre hiiraale iyo Goobaale. waxaan mareexaan u sheegayaa inigoo Hawiye ah inaydaan waxaas ku kadsoomin xasan sheekh iyo taladiisa buufiska ah yaysan dalaw idinka tuurin. Xasan sheekh ma’ahan madaxweynaha kismayo ee waa madaxweynaha Somalia, Somalia’na waa federal state.

Cawska jilaal ee aan laga maarmeynin waa in dadka deegaanka intay wada hadlaan ay maamul samaystaan dawlada somaliyana in ay fududayso mooyaane in ay fara xumayso waa xadgudub. Xasan sheekh wax uusan ka samayn Karin Berbera, bosaaso iyo baydhoba in uu kismaayo ladamco waa cadaala daro. Hasan sheekh iyo dawlada Saacid waxaa laga rabaa in ay dajiyaan barnaamikii siyaasadeed, dhaqaale, huromarineed iyo abaabuleed ee uu wadankani ku hagaagi lahaa, laguna hirgalinlahaa Nidaamka federalka ee dhigan. laakiinse hadii xilkii lagusharafy ay ku doorsadaan isku hubaynta biilaha waxaad iga qortaan aniga “balaayo halkay kabilaabato ayay kusoo noqtaa” hadii aad daliil u rabto hadalkaa kafiirso dhofoorka Muqdisho Ku yaala. maxaa beel ismahadisay oo kibir wiilal badan iyo huguri ismoodsiisay, maxaa la arkay iyadoo baaba’day oo la boosriixday. Somali uma baahna casrigaan in lagu ciliyo beelo beelo, buunbuunita magaaloon burburay iyo sheegashada buuro cidlo ah, qofkasta oo Somali ah meeshii uu doono iyuu wadanka kadagi karaa, ninkii ay kismyo uga dhagantahayna halkaas ha u guuro laakiin waa in lajoojiyaa wixii aan soconaynin.

Dadka reer Juba waxaa ay mudo dheer ku riyoonayeen in ay maamul samaystaan, waxayna bilihii lasoo dhaafay aad iskugu hawleen in ay khilaafaadka ka heshiiyaan sidaasoo ay tahay aduunka tabasho lagama waayo, dawlada hada Xasan sheekh loo ansixiayay dadbaa ka biya diidsanaa looma joojin oo waa la’ansixiyay iyada oo lafiirinayo waxyaabo badan, Jubalandna waasidoo kale madax wayna waxaa larabay in uu sii fududeeyo in khilaafaadaka la dhameeyo ee ma ahan inuu buuq kusii furo beelo hubaysna miiska soo saarto. Dadka leh Kenya ha baxdo; Kenya sida ay ku baxayso waa in ladhisaa maamulka jubaland dawladuna ay dadka kasbataa laakin hadii dadka la isku diro oo ay dhibaato dhacdo taasi waa in Kenya iyo Amisom ay siijoogto dhaqaalaha ku baxana waa Dayn Somalia utaala ee bilaash ma’ahan.

 Maxaa madaxweynaha loo haystaa?

Madaxweynuhu wuxu leeyahay awooda ishaarada (symbolic power) yacni ninkii uu xagiisa fiiriyana wuxuu uqaadanayaa in hungurigiisa lagu taageerayo kii farta lagu fiiqana wuxuu qaadayaa cuqdad iyo shaki, waxaana muhiima in aan laga dareemin madaxweynaha, iyo madaxda kale a dalka wax ishaara ah oo dadka kala qaybin kara.

Waxaan u sheegayaa xasan sheekh, dadka somalida oo dhan raas’caysayr ilaa raaskambooni adiga ayay kaasugayaan in aad noloshooda wax kabadashid mar rabno in aan kismaayo dambe kaa maqalno si aan lagaaga maqal dalka intiisa kale. Meesha aad kabilaabayso waa villa Somalia, horta waa in aad cayrisaa wax alaale waxa qashin iyo dagaal ooge ku agfadhiya, maxaad kafaa’iidaysaa kuwaas? kadibna aad hawl galisaa dhalinyarada Jaamacadaha kasoo baxday ee shaqalaanta ah.

Sida uu qabo xeerka diblomaasiga safiir kasta oo Afar sano ka dabadan hal wadan joogay waa in shaqada laga badalaa sababtoo ah waxay ku milmeen dadlalka ay fadhiyaan. Ogow saomalia’da Cusub waxay ubaahantahay wax walba in la cusboonaysiiyo si ay u shaqayso siyaasada cusub.

Meeshan villa Somali waa in ay yeelataa baratakool iyo kala dambayn, subax walba sida baratakooka madaxweynayaashu yahay waa in ay hay’adahah amaanka iyo kuwa qaabilsan meelaha muhiimka ah ay kuu akhriyaan warbixinta maalintaas ee ku saabsan dalka oo dhan kadibna aad ka gudataa waajibkaaga. Intaadan biyahay dhaansan horta waa in aad haysataa weel kuu diyaarsan, marka hore soo dhamaystiro wasaaradaha dawlada, xeerarkooda, shaqaale hufan, barnaamij siyaasadeed oo wadanka oo dhan loogu tala galay oo ay ka mid tahay sidii ay dawlada dhexi iyo maamul gobaleedyadu u wadashaqayn lahaayeen, canshuurta iyo amaankana u qaybsan lahaayeen, ka ansixi baarlamaanka kadidibna dalbo in sharciga loo hogaansamo, maxaad uga hordhacaysaa wadada saxda ah?. Hadii aad villa Somalia baratakol u yeeli weydo oo odaygii waashaba uu adiga waano kaaga dhigo waalidiisa maxaad u haysaa kismaayo iyo boqolaalka magaalo ee dalkan? Wali rajo wayn ayaan ka qabaa in aad isbadal keento laakiin sida aad hada kusocoto kuma keeni doontid.

FILO Qoraalo kale oo ka hadlaya xaaladaha xasaasiga ah,siyaasada, federalka iyo dibusoo noolaynta Somalia. 

W/Q: Cabdulahi Cabdi

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan