Xog: Jahwareer yaab leh oo ka dhex taagan musharaxiinta iyo madaxda maamullada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka socda ololo xoogan oo u dhexeeya Musharaxiinta loolanka adag ugu jira hogaaminta dalka kuwaa oo heshiisyo iska soo horjeeda la galay Hogaamiyayaasha maamulada dalka.

Musharaxiinta oo siyaabo kala duwan Axdi ula galay Hogaamiyayaasha, ayaa waxaa hadana muuqan xaqiiq dhab ah oo ay ku qanci karaan Musharaxiinta maadaama Hogaamiye waliba uu heshiis la galay musharax gaara.

Jahwareerka ugu badan ee heysta Musharaxiinta ayaa ah in Hogaamiyayaasha maamulada aysan ka dhabeyn ballanqaadka ku aadan in Xildhibaanada laga soo doortay Goboladooda ay codadka siin doonaan musharaxa ay heshiiska isla meeldhigeen.

Musharaxiinta qaar oo aan wali helin ballanqaadyada Hogaamiyayaasha ayaa rajo xumi ba’an ka muujinaaya inay helaan codadka ay kusoo bixi lahaayen.

Sidoo kale, Musharaxiin dhowr ah ayaa kuwo kale ku arkay Xildhibaano lagula heshiiyay, kadib markii uu dhacay Heshiis dadban.

Hogaamiyayaasha qaar ayaa heshiisyo iska soo horjeeda la galay Musharaxiinta, waxa ayna taa shaki ba’an galisay suuragalnimada in Musharax waliba uu cod ka helo Xildhibaanada ay maamulaan Hogaamiyayaasha.

Talaabadaani ayaa waxaa shaki ba’an ka muujiyay Musharaxiin dhowr ah oo ilaa iyo iminka ku jahwareersan ololahooda ku aadan cod raadinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com