Xog: Jawaari oo olole wada kana shaqeynaya in maanta la doorto…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka heleyno ilo wareedyo ka tirsan Baarlamaanka Somalia, ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu bilaabay ololo lagu taageerayo Xildhibaan Faarax C/qaadir oo kamid ah Musharaxiinta maanta oo Khamiis ah hortagi doona Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia.

Guddoomiye Jawaari ayaa ololihiisa ku xoojinaayo sida Xildhibaanada BFS ay ku dooran lahaayen Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo u sharaxan Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka.

Jawaari oo saacadihii ugu danbeeyay siyaabo kala duwan u shiriyey Xildhibaanada ayaa ka dalbaday in Codadka lasiiyo Faarax C/qaadir si Baarlamaanka Somalia uu uga soo kabsado hoos u dhaca.

Guddoomiye Jawaari oo xiligaani awood buuxda ku dhex leh Baarlamaanka ayaa garab u ah Musharax gaara, kaa oo guuleysan doono waa haddii uu soo baxo Faarax C/qaadir.

Sidoo kale, Faarax C/qaadir ayaa miisaan ku dhex leh Siyaasada Somalia, waxaana laga yaabaa in miisaankiisa uu kaga guuleysto Musharaxiinta kale ee culeyska ku heysa.

Lama xaqiijinkaro Guusha iyo Guul darida soo wajihi doonta Xildhibaan Faarax C/qaadir, walow dhaqaale xoogan lagu bixinaayo sida uu ugu kusoo bixi lahaa Doorashada labaad ee maanta ka dhici doonta Xarunta Golaha Shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com