Xog ka cusub kulamadii ugu dambeeyey ee Xasan Kheyre iyo beelaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha magacaaban Xasan Kheyre ayaa ku guda jira la kulanka Xildhibaanada labada Aqal iyo Odayaasha Beelaha Soomaaliyeed.

Xasan Kheyre ayaa Xildhibaanada iyo Odayaasha ku qancinaya magacaabidiisa, waxa uuna ka dalbanayaa inay taageeran si uu usoo dhiso Xukuumad ka taya badan kuwii hore.

Xasan Kheyre ayaa dhinacyada uu la kulmaayo ku qancinaaya inuu ka dhabeyn doono ujeedka uu Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Kheyre waxa uu ballanqaadayaa inuu soo dhiso doono Golo Wasiiro oo aan Khilaaf u abuuri doonin Dowlada cusub, waxa uuna sheegayaa in Wasiirada uu soo magacaabi doono ay noqon doonaan kuwo ka caafimaad qaba Musuqa iyo dhibaatooyinka ka dhacay dalka.

Dhinaca kale, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha magacaaban Xasan Kheyre uu maalinta Arbacada oo taariikhduna ku beegan tahay 1-da bisha March hortagi doono Xildhibaanada labada Aqal ee dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com