Xog: Kenya oo dib usoo faageysa kaalinta uu CC ku lahaa iibka badda

Hague (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Somalia ay ka dalbaneyso inay dib uga laabato go’aanadeeda ku aadan Dacwadda ka socota Maxkamadda Garsoorka Caalamiga “ICJ”.

Githu Muigai oo ah Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Kenya kana mid ah mas’uuliyiinta dowlada Kenya u mataleysa dacwada ka socta Maxkamada ICJ, ayaa sheegay inuu jiro heshiis horay ay dowlada Kenya ula gashay Somalia sannadkii 2009.

Xeer ilaaliyuhu waxa uu sheegay in Heshiiskaasi uu dhigaayay in labada dal ay xal hoosaad ka gaaran muranka ku aadan xuduud badeedka labada wadan, balse waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay Heshiiskaasi si cad uga talaabtay.

Githu Muigai, waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay dib uga laabatay go’aankeeda hore iyadoo aan dib u milicsan Heshiiskii hore, markii la buuxiyay Galdacwadeedka hor yaala Maxkamadda ICJ kadib.

Kariim Khaan oo kamid ah Garyaqaanada dowlada Kenya u mataleysa dacwada, ayaa sheegay in dowlada Somalia ay cirka kusii shareereyso dacwada, waxa uuna ku baaqay in Somalia ay dib uga fiirsato dacwadaasi.

Kariim Khaan waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay si bareer ah u bedelayso kiiska dacwada, kadib markii ay xaqiiqsadeen inuu ansax yahay Heshiiski is fahamka oo loo soo gaabiyay ”MoU” ee ay Dowladaha Somalia iyo Kenya kala saxiixdeen sannadkii 2009-kii, waa sida uu hadalka u yiri.

”Dowlada Somalia ha garwaaqsato ka weecashadeeda Heshiiskii laga gaaray arrinta muranka Badda, ma dhicikarto in laga been sheego Heshiiskii cadeynta lahaa oo ay gashay dowlada Somalia”

Mr Kariim Khaan, waxa uu cadeeyay in Heshiiskaasi uu dowlada Somalia xiligaasi u saxiixay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, waxa uuna Kariim Khaan dalbaday in Sharmaarke looga baahan yahay inuu ka laabto saxiixaasi.

Kariim Khaan waxa uu sheegay haddii uu Cumar C/rashiid ka laabto saxiixaasi in Dacwada ay yeelan doonto waji cusub, waxa uuna dalbaday in laga laabto saxiixii hore.

Kariim Khaan waxa uu intaa ku daray in Heshiiskaasi ay dhinaca Somalia u kala saxiixeen Wasiirkii Qorsheynta ee Dowladii KMG, C/raxmaan C/shakuur Warsame iyadoo Kenyana uu u saxiixay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda, Moses Wetang’ula.

Dowlada Somalia ayaa Galkaasi buuxisay Bishii July ee sannadkii 2014-kii oo lagu muujinaayay xadgudubka dowlada Kenya.

Dhinaca kale, Dcawadaani iminka ka furan Maxkamada ayaa u muuqaneysa mid faraha kasii baxeysa iyadoo maanta ay tahay maalinta labaad ee dacwadaasi la dhageysanaayo.

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com