Xog: Khilaaf iyo xiisad siyaasadeed cusub oo ka taagan HirShabelle

Jowhar (Caasimaa Online) – Khilaaf Siyaasadeed iyo xiisad cusub ayaa ka taagan maamulka HirShabeelle, kaasi oo ku qotoma magacaabista Gollaha Wasiiradda, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo Baarlamaanka HirShabeelle ayaa isku khilaafsan halka ay ka imaanayaan Wasiiradda la magacaabayo, iyadoo taasi noqotay Ismariwaa Siyaasadeed oo soo wajahay maamulkaasi curdunka ah.

Wararka ayaa sheegay in Madaxweyne Waare uu doonayo in Wasiiradiisa cusub ay ka yimaadaan dibadda Baarlamaanka, halka Xildhibaanada ay doonayaan in iyaga laga soo xusho oo Muraayadda Xukuumadda iska-arkaan.

Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen “Guudlaawe” ayaa isna kasoo horjeeda aragtida Madaxweynaha, wuxuuna la saftay dhanka Xildhibaanada doonaya in Baarlamaanka laga keeno Wasiiradda.

Khilaafkan ayaa lagu soo waramayaa inuu kusii xoogeysanayo HirShabeelle, waxaana magaalada Jowhar laga dareemayaa jawi kacsanaan ah, iyadoo ay Xildhibaanada qaadanayaan kulamo gaargaar ah, oo ku aadan magacaabista Wasiiradda.

Baarlamaanka HirShabeelle ayaa xilkii ka qaadey Madaxweynihii hore Cali Cabdullahi Cosoble bishii August, kadib markii uu yimid khilaaf xooggan, iyadoo lagu bedelay Maxamed Cabdi Waare, oo dhawaan la caleema-saarey.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com