Xog: Khilaaf ka dhextaagan hoggaamiyayaasha Al-Shabab iyo Sheekh Cali Dheere oo gadoodsan

1

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf xoogan ayaa waxa uu iminka ka dhextaagan yahay maamulka sare ee maleeshiyada Al-shabaab.

Khilaafka ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay in garabka ka go’ay Al-shabaab lala furo wada hadal iyo in laga maarmo islamarkaana xariga loo jaro.

Horjoogayaasha qaar ee maleeshiyada ayaa soo jeediyay in wada-hadal lala galo maleeshiyada waxaana Saraakiisha go’aankaasi qaba kamid ah Afhayeenka guud ee maleeshiyada Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).

Sidoo kale, Saraakiil uu kamid yahay Sheekh Fu’aad Shangole iyo Afhayeenka dhanka howlgalada Abuu Muscab ayaa qaba in meeshii lagu arko garabka ka go’ay kooxda lala dagaalamo, islamarkaana aan lala furin wax wada hadal ah.

Kala aragti duwanaanshiyahaani ka dhextaagan Kooxda ayaa keentay Khilaaf, waxa ayna ilo lagu kalsoon yahay sheegayaan in Cali Dheere uu ku goodiyay inuu ka madax-banaanaan doono Al-shabaab waa haddii Khilaafka kooxda kala dhexeeya Daacishta Somalia lagu adkeysto inaan lagu xalin wada hadal.

Arrintaani ayaa sara qaadeysa Khilaafka kooxda ee horay u sababay kala irdhowga, waxa ayna tani muujineysaa in awooda kooxda ay burbureyso.

Dhanka kale, Khilaafkaani ayaa sababi doona in Saraakiisha ugu sareysa Al-shabaab ay ku biiraan DFS.

Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

1 COMMENT