Xog: Khilaafka Gaas iyo Cameey oo arrin cusub ay kusoo korartay

Garoowe (Caasimada Online) – Xog cusub oo ay heleyso Caasimada Online ayaa sheegeysa inuu sii xoogeystay khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Gaas iyo ka-xigeenkiisa Cabdixakim Camey kaasoo dhinaca kale xildhibaano ka tirsan Barlamanka Puntland qayb ka yihiin.

Khilaafkaan ayaa salka ku haya ayada oo Madaxweyne ku xigeenka Puntland uusan ku qanacsaneyn arrimo badan oo la xiriira la tashiyo la’aan uu ka tirsanayo Madaxweynaha Puntland.

Xogtaan ayaa sheegeysa in dhowaan xildhibaano ka tirsan Barlamanka Puntland kulan la yeesheen Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas kuwasoo u sheegey iney Wadaan mooshin ka dhan ah Madaxweyne ku xigeenka Puntland kaasoo kaga codsadeen inuusan soo faragalin.

Xogta ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Puntland xildhibanadaas u sheegey inuusan waxba ka qabin mooshinkaan hadii uusan khalkhal siyaasdeed oo kale abuureyn.

“Waa jiraa xildhibaano wada mooshin ka dhan ah Madaxweyne ku xigeenka Puntland, waxaa kulan la yeesheen Madaxweynaha Puntland inkastoo aan rumeysanahay inuusan aheyn mid sidaas u xoog badan islamarkaana tageero badan haysta” sidaas waxaa yiri xildhibaan ka tirsan Barlamanka Puntland oo codsaday in magaciisa aan la xusin.

Sanadkii hore ayey aheyd 28/10/2015 markii uu iscasiley Gudoomiyhii Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire kadib markii Xildhibanaada Barlalamanka kalsoonisa kala noqdeen.

Xil ka qaadista Gudoomiyihii hore Puntland Siciid Xasan Shire ayaa waxaa ka dambeeyey ku-xigeenadiisa iyo qaar ka tirsan guddiga joogtada ah ee Barlamanka Puntland kuwasoo ka hor inta ay talaabadaan qaadin Madaxweyne Gaas la socodsiiyey islamarkaana ka heley ogolaansho ah inuusan Waxba ka qabin.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com