Xog: Kooxda CC oo shirqool halis ah ku tuhmaya Sanbaloolshe

Muqdisho (Caasimada Online) – Shaki weyn iyo hubanti la’aan ayaa hareysay Isbaheysiga doorashada ee ka dhaxeeya Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid iyo xildhibaan C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Ilo ku dhowdhow ololaha Cumar C/rashiid ayaa sheegaya inay jirto kalsooni darro ku aadan dhaqdhaqaaqa Xildhibaan Sanbaloolshe oo muddooyinkii dambe noqday mid ka mida taageerayaasha ugu weyn ee Cumar C/rashiid.

Sanbaloolshe oo lagu yaqaan fudeyd siyaasadeed iyo mowqifyo qayaxan ayaa jagada xildhibaannimo ku helay gacan uu siiyay madaxweynaha Hirshabeelle, isagoo markaas kadib iska dhigay xildhibaan mucaarad weyn ku ah soo laabashada Xasan Sheekh.

Shakiga ayaa sii xoogeystay kadib markii madaxweynaha Galmudug ka baxay isbaheysigii Shariif Xasan ee Doorashada, waxaana kooxda Cumar C/rashiid ku soo furmay tuhun ah in Sanbaloolshe oo hore gacansaar weyn ula lahaa madaxweynaha ujeedkiisu yahay inuu kala tuuro qorshaha musharaxnimada madaxweyne ee Cumar C/rashiid, maadaama aanay sahlanyn inuu ka abaal dhaco Xasan Sheekh.

Sanbaloolshe oo Muqdisho ka waday ololaha ra’iisul wasaare Sharmaarke ayaa lagu warramayaa in iminka howsha badankeed laga wareejiyey loona weeciyey dhanka Cabdiraxmaan Ceynte oo isna ka mid ah kooxda ra’iisul wasaaraha.

Waxaa sidoo kale xogta ay sheegeysaa in maalmaha soo socdo laga yaabo in Sanbaloolshe si rasmi ah looga saaro kooxda ra’iisul wasaaraha xilli tuhunka laga qabo uu sii xoogeysanayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com