Xog ku saabsan waxa ka jira in Qatar ay dhallinayaro Somali ah u qoraneyso askar

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maalmihii dambe soo badanayey hadal heynta ku aadan inay dowladda Qatar wado olole ay ku qoraneyso dhallinyaro Soomaaliyeed oo la doonayo inay kamid noqdaan Ciidamada dalka Qatar.

Shabakadda Caasimadda Online ayaa dabagal xoog leh ku sameysay arrintaas waxayna soo ogaatay waxyaabo badan oo ku saabsan arrintaan:

Bilowgii Sheekadaan waxaa qoray website uu leeyahay Wiilka uu dhalay Cabdiraxmaan Faroole ee lagu magacaabo Maxamed Faroole, kaasoo dhawr jeer soo gudbiyey warbixino lagu mucaaradayo dowladda Qatar, isla markaasna la isaga hor keenayo Shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Kadib, waxaa arrintaan sii faafiyey oo qaatay Masar Al-Yoom oo ah Website ku hadlo afka dowladda Masar isla markaasna qoro inta badan warbixino ka dhan ah dalka Qatar, maadaama dowladda Masar kamid tahay Xulafada Sacuudiga iyo Imaaradka Carabta oo go’doomin ku hayo Dalka Qatar.

Websitekaas oo soo xiganayo midka uu leeyahay Wiilka Faroole ayaa faafiyey warbixintaas lagu sheegay inay dowladda Qatar dooneyso inay Dhallinyaro Soomaaliyeed u qaadato Askar lagu darayo Ciidamada dalka Qatar.

Sida uu wargeyskaas hadalka u dhigay Dowladda Qatar iyo Soomaaliya ayaa iska kaashanayo in la helo ciidamo ku biiro Xuladada Qatar oo weliba la siinayo mushaar jajan iyadoo laga faa’ideysanayo Shaqo la’aanta heysato wadamo badan oo ka tirsan Africa oo ay kamid tahay Soomaaliya.

Warkaas uu qoray websitekaas ayaa laheyn wax caddeyn ah iyo xigasho, iyadoo aysan dowladda Soomaaliya weli ka hadlin arrintaas, maadaama ay tahay wax weyn in dhallinyaro Soomaaliyeed loo qorto askarnimo waxaa lagama maarmaan ah  in laga soo ansixiyo baarlamaanka Soomaaliya, welina ma jirto wax arrintaas ku saabsan oo la hor geeyey Baarlamaanka Soomaaliyeed sida aan xogta ku heleyno.

Xogta ay heleyso Caasimadda Online ayaa muujineyso in dhallinyarada maalmahaan bilaabay qaadashada baasaboorada la sheegay inay dalka Qatar u aadayaan shaqo abuur ay dowladda Qatar ugu deeqday Soomaaliya inkastoo arrintaana aysan aheyn mid la hubo balse ay tahay hadal heyn weyn oo ka jirto Muqdisho.

Faroole iyo Wiilka uu dhalay ayaa la aaminsan yahay inay arrintaan ka dambeeyaan iyo faafinta warkaan aan caddeynta laheyn, waxaana lasoo sheegayaa waxyaabo badan oo ay ku fakarayaan labadaan mas’uul inay helaan:

  1. Faroole oo horey usoo noqday Madaxweynaha Puntland, haddana ah xubin kamid ah Aqalka Sare ayaa dhawr jeer isku dayey inuu wiilkiisa u helo xil safiirnimo, waxaana lasoo sheegayaa in ugu dambeyn arrintaas lagu fashilmay, waxaana halkaas ka bilowday mucaaradnimada Faroole iyo Wiilkiisa.
  2. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa siisay ballan qaad lacageed iyo waxyaabo kale si ay labadaan Mas’uul u faafiyaan warbixino la isaga hor keenayo shacabk Soomaaliyeed iyo Dalka Qatar, maadaama dowladda dhexe ay Khilaafka Khaliijka ka qaadatay go’aanka dhexdehxaadnimo ah.
  3. Faroole oo doonayo in wiilkiisa uu kasoo dhex muuqdo saaxadda Siyaasadda Soomaaliya, maadaama uu hadda isagu noqday howlgab ay ka daba timaaday da’da.

Dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay arrintaan si deg deg ah uga hadasho isla markaasna ay fasiraad ka bixiso arrintaas soo shaac baxdo iyo ujeedka laga leeyahay dhallinayarada u safri rabo dalka Qatar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com